Khilaaf soo kala dhex-galay AMISOM iyo hogaanka ciidanka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Xiisad ayaa lagu waramayaa in ay ka dhex-qaraxday taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo taliyeyaasha xoogaga Kenya ee qaybta ka ah howlgalka nabadeynta Soomaaliya.

Muranka labada dhinac ayaa ka dambeeyay markii dowladda Kenya ay ciidamo kala soo baxday qaybo kamid ah gobolada Jubooyinka.

Sidda laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah, taliyeyaasha dalalka ciidamada ku taageeray AMISOM ayaa "ku canaantay" Kenya talaabadaasi ay qaaday iyadda oo aanan cidna ku war-gelin.

Saraakiisha ayaa ku eedeeyay dowlada Kenya in ay raadineyso dano gaarka ah oo ay ka fushato taliska ciidamada midowga Afrika, inkasta oo ay shaacin waxay tahay.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidanka ay Kenya kasoo baxeen saldhigyada ay ku leeyihiin gobolka Gedo oo ku jiro midka tuuladda Busaar halkaasoo ay in muddo ah ku sugnaayeen.

Degaanka Busaar ayaa ah meel kooxda Al-Shabaab ay jug culus ku gaarsiisay ciidanka Kenya kadib weerarkii Ceel Cade halkaasoo looga dilay 200 askari.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kenya ay ka careysan tahay markii taliye ku xigeenka AMISOM oo ahaa sarkaal u dhashay Kenya xilka laga qaaday, loona dhiibay mid kale uu Uganda kasoo jeeda.

Arrimahaan ayaa kusoo aadaya iyada oo taagan tahay damac Nairobi uga jiray qayb kamid ah biyaha Soomaaliya ee ay dooda gelisay.

Kiiskaan oo soo socday tan iyo 2014-kii ayaa lagu wadaa in sanadka dambe ay go’aan kasoo saarto maxkamada cadaalada aduunka ee ICJ.

Xasarada badda oo soo cusboonaatay bishii Febraayo ayaa dhalisay in uu xumaado cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee labada dal oo kolkii dambe ay hagaajiyeen madaxwaynayaasha labada dowladood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM