Maxaad ka taqaan wakiilka cusub ee QM u soo magacawday Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa Wakiil cusub usoo magacaabey Soomaaliya, kadib markii uu dhamaadey mudo xileedka Michael Keating oo mudo 3 sano ah madax kasoo ahaa UNSOM.

Wakiilka cusub, ayaa ah diblomaasi u dhashay dalka South Africa, kaasoo lagu magacaabo Nicholas Haysom, oo 66 jir ah kaasoo horey uga soo shaqeeyay dalalka South Sudan iyo Sudan, oo wakiil uga soo ahaa Qaramada Midoobey.

Nicholas Haysom ayaa sidoo kale 2012-2014 waxa uu madax kasoo noqday Howlagalka kaalmeynta Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan, waana shaqsi xilal sare kasoo qabtey dowladda South Africa iyo UN-ka.

Keating oo Saxaafadda kula hadlaya magaalada Hargeysa, Somaliland

Wakiilkan cusub, ayaa bedelaya Michael Keating, oo u dhashay Ingiriiska, kaasoo xilka loo magacaabey January 2016, iyadoo mudadiisa ay ku egtahay November 2018.

Warsidaha Garowe Online saddex bilood kahor helay xogta ku saabsan in diblomaasi reer South Africa ah lagu bedelayo Michaeal Keating marka uu waqtigiisa ka idlaado dhamaadka 2018. [Halkan ka akhri warka].

Magacaabista Wakiilka cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay ka jirto marxalad adag oo dhanka Siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha, islamarkaana maamul goboleedyada intooda badan ay galayaan doorasho guud 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Heshiis ka Gaarey Khilaafkooda Shakhsiyeed

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yareyn lahaa xiisadda siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-01-2026

  • 08:02AM

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Mas’uuliyiin deegaanka ayaa dadka deegaanka ku booriyay inay ka taxaddaraan safarrada waddooyinka xasaasiga ah.

  • Soomaliya

    04-01-2026

  • 01:08PM