Maxaay sababay dib u dhac ku yimid furitaanka Kalfadhiga 5aad ee BF?
MUQDISHO, Soomaaliya - Sidda uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online, dib u dhac ayaa ku yimid furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Gollaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.
Kal-fadhiga ayaa la qorsheeyay in la furo 10-ka bisha Maaj, taasoo ay ku beegneed maalintii shalay oo Axad ahayd, balse aan lagu guuleysan in uu furmo.
Xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose ayaa u sheegay GO in sababta dib u dhaca keentay ay qayb ka tahay in Afhayeenka Gollahaasi uu dalka ka maqan yahay.
Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa safaro ku kala bixinaya wadamo kala duwan, isaga oo shirka baarlamaanada caalamka uga qebgalay Jordan.
Illo ku dhow xafiiska Maxamed ayaa tibaaxay in Gudoomiyaha lagu wado in uu wadanka kusoo laabto maalinta Arbacada ah.
Mudanayaasha ayaa intaasi ku daraya in kal-fadhiga la furi doono lix maalmood kadib, taasoo ay ka muujiyeen cabasho.
"Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya ee salka ku haya damaca Nairobi ee biyaheena ayaa waxyaabaha dib u dhaca keenay qayb ka ah," ayuu yiri mid kamid ah xubnaha u waramay Garowe Online.
Dib u dhacaan ayaa kusoo aadaya iyada oo aan wali la xalin muranka u dhaxeeya labada Golle ee dalka, xili Aqalka Sare uu xiriirka u jaray Gollaha Shacabka.
Is-qabqabsiga sharcidejinta Soomaaliya ayaa salka ku haya arrimo dhowr ah sida; meel marinta hindisa sharciyeedyada iyo siyaasada maamuladda.
Dadaalo la isugu soo dhaweynayo ayaa la sheegay in madaxda Villa Soomaaliya ay waddo, inkasta oo illaa iyo haatan aaney wax natiijo ah kasoo bixin.
Aqalka Sare oo dastuuriyan metala dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Federaalka ayaa sanadkii hore diiday in si wadajir ah loo wada furo Kal-fadhiga 4aad ee labada Aqal.
Xeel-dheerayaasha ayaa calaamad su’aal gelinaya hadii sanadkaan ay dhici karto in si wadajir ah uu madaxwayne Farmaajo u furo fadhiyada labada Golle.
Sharcidejinta Soomaaliya oo muddo labo sano ah ay uga hartay mudada xileedkooda ayaa waxaa horyaala sanadkaan shaqooyin muhiim ah sida; meel-marinta sharciga doorashooyinka iyo midka xisbiyada badan.
Soomaaliya ayaa isku diyaarineysa in doorasho qof iyo cod ah ay gasho sanadka 2020-21, taasoo noqoneysa markii ugu horeysay sanado badan kadib, wallow shaki la gelinayo in ay qabsoomi karto.
GAROWE ONLINE