Maxamed Cali Ameeriko oo loo diidey in uu galo Beledweyn

Image

August 16, 2015 (GO)- Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in safiirkii hore ee Soomaaliya u joogey dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameerika lagu celiyey kantaroolka waqooyi ee xiga dhanka degmada Matabaan.

Amarka dib loogu celiyey Ameeriko  ayaa la sheegay in uu bixiyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo hada ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya.

Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa dib ugu laabtay degmada Matabaan oo ay gacanta ku hayaan ururka Ahlusunna Waljamaaca.

Warar hoose oo Garowe Online heshay ayaa sheegaya in Mudane Ameeriko damacsan yahay inuu isu soo taago xilka madaxweynaha maamulka la damacsan yahay in loo sameeyo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa todobaadyadii u dambeeyey socdaal ku marayey deegaanno ka tirsan Jubbaland, Koofur Galbeed,Puntland iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM