Maxamed Qanyare Afrax oo ku geeriyoodey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa maanta oo Sabti ah, June 29 ku geeriyoodey Muqdisho Maxamed Qanyare Afrax oo kamid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, sidoo kalena soo noqday Wasiir Amni iyo Xildhibaan dowladihii KMG ahaa.

Qanyare, oo 77 jir ahaa ayaa saaka ku dhintay Isbitaalka Digfeer, halkaasi oo mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa, sida ay xaqiijyeen qaar kamida ehelediisa, oo la hadlay warbahainta maxaliga.

Maxamed Qanyare ayaa Wasiir ka noqday Xukuumaddii Cali Maxamed Geedi, ee la dhisay 2004, waxaana uu hore u ahaa hogaamiye kooxeed awood badan oo ka talin jiray qeybo kamid ah Muqdisho, isagoo mar lasoo shaqeeyay Jeneraal Caydiid.

Mudo dheer ayuu Muqdisho ku xanuunsanaa, waxaana uu ka fariistay Siyaasadda dowladdii Xasan Sheekh, isagoo Kusriga Xildhibaanimo ku wareejiyay Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo C/weli Qanyare Afrax.

Madax hore iyo Xildhibaano ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Maxamed Qanyare Afrax, waxaana lagu wadaa in Meydkiisa lagu aaso saacadaha soo aadan gudaha magaaladda Muqdisho.

Qanyare ayaa ku dhashay degmada Ceelbuur, ee gobolka Galgaduud sanadkii 1941.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM