Maxay ahayd warqadda Xasan Sheekh u qoray Trump?
WASHINGTON - Warqad uu u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday dalabka Muqdisho ee ah in Mareykanka loo ogolaado saldhigyo ciidanka inuu ka sameysto magaalooyin aysan dowladda Federaalka ka talin. Tani waxay qayb ka tahay dadaallo lagu xoojinayo wada-shaqeynta Mareykanka iyo Soomaaliya, hase yeeshee, waxay kicisay walaac siyaasadeed gudaha dalka.
Warqadda oo la qoray 16-kii March, 2025, ayaa soo jeedisay in Mareykanka uu ka sameysto saldhigyada Ciidamadiisa cirka Balidoogle iyo Berbera, iyo sidoo kale Boosaaso, iyadoo arinta lagu tilmaamay is-miidaamin siyaasadeed.
Balidoogle waxaa ku yaal Koonfurta Soomaaliya, waxaana halkaas ka jooga ciidanka Danab ee tababara Mareykanka. Berbera waxay ku taallaa Somaliland, halka Boosaaso ay ku taallo Puntland, oo ah dowlad xubinta ka ah Federaalka.
Inkasta oo maamulka Puntland uu weli jawaab rasmi ah ka bixin, balse waxaa la sheegay in aysan aqbali doonin heshiiska milatari ama istaraatiijiyadeed oo kaliya ay dowladda federaalka galayso. Puntland ayaa muddo dheer ku adkeysanaysa in dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya uusan ogolaanayn in dowladda Federaalka ay go’aan ka gaarto deegaanada dowlad goboleedyada.
Khilaafaadka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ayaa socday mudo ka badan labo sano, taasoo ay sabab u tahay wax ka bedelka dastuurka iyo sidoo kale qorshaha Xasan Sheekh ee doorashadda aan heshiiska lagu ahayn. Puntland ayaa dhawaan ku dhawaaqday inay si gaar ah u joogi doonto illaa laga saxayo arrimaha dastuuriga ah ee la isku hayo.
Somaliland Si Cad Ayay Udiiday
Somaliland, ayaa si degdeg ah uga jawaabtay warqadda Xasan Sheekh u diray Trump ee la xiriirta saldhigga Berbera. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland Abdirahman Dahir ayaa ku tilmaamay talaabadaas “mid rajo beel ah oo qalad ah,” isagoo sheegay in Muqdisho aysan wax awood ah u lahayn Berbera.
Dekedda Berbera ayaa waxaa maalshi ku sameysay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka, halka shirkadda hoos timaadda ee P&O Ports ay horey uga shaqeysay horumarinta dekedda Bosaso ee Puntland sanadkii 2019.
Arrimaha Sharciga iyo Madaxbannaanida
Khubarada dastuurka ayaa ku doodayo in dalabka Madaxweyne Xasan Sheekh aanu sal dhigan sharci ahaan, maadaama aysan jirin la tashiyo iyo oggolaansho ka yimid dowlad goboleedyada. Dastuurka kumeelgaarka ah ayaa sheegaya in gacanta ku haynta dhulka, dekedaha iyo iskaashiga amniga ay wadaagaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada — taasoo muuqata in talaabada Muqdisho ay si weyn uga hor imaanayso.
Warqadda ayaa sidoo kale tixraacday xiriirkii Soomaaliya iyo Mareykanka ee xilligii Dagaalkii Qaboobaa, markii Soomaaliya ay siisay Mareykanka helitaanka goobaha istaraatiijiga ah ee Berbera, Kismaayo, iyo Muqdisho. Laakiin falanqeeyayaashu waxay ka digayaan in xaaladda siyaasadeed ee maanta ay aad u jajaban tahay, taasoo keeni karta in dalabyo noocan oo kale ah ay sii xoojiyaan kala qaybsanaanta gudaha.
Dalabka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yimid xilli Mareykanka uu raadinayo inuu ka hortago saameynta sii kordhaysa ee Shiinaha iyo Ruushka ee Geeska Afrika. Inkasta oo Mareykanka uu leeyahay saldhig milatari weyn oo ku yaal Jabuuti, helitaanka deegaanada Soomaaliya ee xeebaha dheer waxay noqon kartaa muhiim u ah istaraatijiyadda gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Mareykanka doorka uu ku leeyahay xoojinta amniga caalamiga ah, isagoo sheegay in labada dal ay ka faa’iidi karaan “isku-xirnaanta cusub ee Khaliijka Carbeed, Badda Cas, iyo meelaha ka baxsan.”
Waxaa uu codsaday in Madaxweynaha Trump uu u soo diro wafdi Muqdisho “wakhti ku habboon labada dal” si loogu sii wadahadlo dalabka.
Amniga iyo Calaamadaha Siyaasadeed
Xilliga warqadda la soo diray ayaa sidoo kale muhiim ah. Soomaaliya waxay weli ku jirtaa dagaal halis ah oo ay la galayso Al-Shabaab, iyadoo Mareykanku uu kaalin muhiim ah ka ciyaarayo hawlgallada cirka iyo xog-ogaalnimada. Bishii hore, Trump ayaa oggolaaday duqeymo ka dhan ah unugyo ISIS ah oo ku sugan Puntland. Si kastaba ha ahaatee, bixinta goobaha istaraatiijiga ah ee dowlad goboleedyada aan oggolaanshihiisa la helin waxay khatar ku tahay midnimada lagama maarmaanka ah ee looga hortagayo argagixisada.
Hadda, aamusnaanta Puntland waxay si weyn uga hadlaysaa. Diidmo adag ayaa soo food saari karta — taasoo dib u soo celin karta khilaafaadka dastuuriga ah isla markaana wax ka beddeli karta muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya.
GAROWE ONLINE