Maxay kawada hadleen Khayre iyo Qoor Qoor?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa xalay hoygiisa ku booqday Xasan Cali Khayre, oo xilka Ra'iisul Wasaaraha laga qaadey bishii July markii Gollaha Shacabka kalsoonida kala noqday Xukuumadiisa.

Khayre ayaa ku shaaciyay bartiisa Twitter-ka in kulanka uu ahaa mid mira-dhal ah, oo isaga iyo Qoor Qoor ku lafa-gureen arrimaha doorashooyinka qaranka iyo doorka maamulka Galmudug.

"Waxaan xalay kulan miro dhal ah la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug mudane Qoor Qoor. Waxaan ka wada hadalnay arrimaha doorashada & kaalinta Galmudug, sidoo kale waxaan isla eegnay howlaha u qabsoomay Galmudugta loo dhan yahay iyo waxyaabaha horyaalla maamulkiisa," ayuu yiri Khayre.

Sabtidi lasoo dhaafay, Khayre ayaa la kulmay gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, isagoo uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed.

Khayre ayaa ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha, waxaana uu kusoo biiray loolan la filayo inuu adkaan doono, maadaama siyaasiyiin miisan culus leh ay ku jiraan, kuwaasoo Farmaajo, CC Shakuur iyo Farmaajo ay kamid yihiin.

Dhanka kale, waxaa Muqdisho ka socda kulamo siyaasadeed oo taageero loogu raadinayo kalsooni siinta Rooble iyo heshiiskii doorashadda 17-kii bishaan Villa Soomaaliya ku saxiixdeen Farmaajo iyo Madaxda Maamullada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM