Maxay kawada hadleen Wafdiga Farmaajo iyo Dowladda Ethiopia?

Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA, Ethiopia- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia ayaa maanta 03 May. 2017 booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta waddanka Ethiopia, waxayna kulamo la qaateen madaxda waddankaas.

Arrimaha ugu muhiimsan ee laga wada hadlayay ayaa ahaa; xaaladda Somalia iyo xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya labada dhinac.

Kulan albaabadu u xiranyahay kadib labada dhinac ayaa isla qaatay inay kawada shaqeeyaan hormarka laba dalka iyo iskaashi laga galo kooxda Al Shabaab.

Madaxweynaha Somalia iyo Ra’isal wasaaraha Ethiopia oo si wadajir ah uga hadlay arrimaha la isla qaatay ayaa sheegay inuu guulaystay kulankii labada dhinac dhexmaray.

Wararka uu helay Warsidaha GO, ayaa sheegay in dhinacyadaas ku heshiiyeen arrimo ay kamid yihiin;

  • In labada dal in si xor ah dhaqdhaqaaq ganacsi uu dhex maro
  • In shirka London uu noqdo mid Somalidu leedahay
  • In labada waddan isku aragti ka noqdaan dhismaha ciidamada Somalia si ammaanka loogala wareego AMISOM
  • Iskaashi labada waddanka ka yeeshaan Abaaraha ka jira gobolka
  • In la xoojiyo ciidamada Booliiska si loola dagaallamayo Burcad Badeeda
  • Iyo Ethiopia oo soo dhaweysay qorshaha amniga lagu sugayo ee ay waddo xukuumadda Somalia.

Shirkaas kadib ayaa loo ballansanaa kulamo kale oo looga hadlay arrimaha labada waddan, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkaas soo gaabiyay kadib dilkii wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib u diska oo lagu toogtay Muqdishu.

Booqashada ayaa markii hore loo qorsheeyay inuu qaato muddo saddex maalmood ah,

Waa safarkii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Somalia ku tago Ethiopia oo aad ugu taxaluqda siyaasadda waddankan kasoo kabanaya colaadaha sokeeye.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM