Maxay kawada hadleen wasiirada difaaca Soomaaliya iyo Talyaaniga?

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wafdi balaaran oo ka socda dowlada Talyaaniga ayaa maanta oo Isniin ah gaarey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhiga wadankaasi, Elisabetta Trenta oo hogaamineysay wafdigaasi ayaa kulan la yeeshay dhigooda xukuumada federaalka ah iyo xubno kale.

Sidoo kale, wafdiga waxaa qayb ka ahaa taliyaha ciidamada difaaca Talyaaniga, Enzo Vecciarelli, oo la kulmay dhigiisa Soomaaliya, Daahir Indhaqarshe.

Dhinacyadda ayaa kulankooda diirada ku saarey sare u qaadida doorka Talyaaniga ee dib u habaynta ku socota xoogaga dowlada federaalka ah iyo tayeentooda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, oo kulanka warbixiyay ayaa sidoo kale shaaciyay in ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada wasaaradood.

Xasan Cali Maxamed [Amar Dambe] oo intaasi ku daray in qodobadii ay kawada hadleen ay isla meel-dhigeen ayaa farxad ka muujiyay imaatinka dalka ee wafdigaan.

Talyaaniga ayaa kamid ah wadamada ka caawiya Soomaaliya dib u dhiska dowladnimada iyo ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay sanado badan kadib wafdiga heer sare ah oo ka socda Talyaaniga uu yimaado magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Bishii November 2018-kii ayay ahayd markii Madaxwayne Farmaajo oo u safray Talyaaniga isaga oo kula soo heshiiyay madaxda dalkaasi iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM