Maxay kawada hadleen wasiirada difaaca Soomaaliya iyo Talyaaniga?

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wafdi balaaran oo ka socda dowlada Talyaaniga ayaa maanta oo Isniin ah gaarey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhiga wadankaasi, Elisabetta Trenta oo hogaamineysay wafdigaasi ayaa kulan la yeeshay dhigooda xukuumada federaalka ah iyo xubno kale.

Sidoo kale, wafdiga waxaa qayb ka ahaa taliyaha ciidamada difaaca Talyaaniga, Enzo Vecciarelli, oo la kulmay dhigiisa Soomaaliya, Daahir Indhaqarshe.

Dhinacyadda ayaa kulankooda diirada ku saarey sare u qaadida doorka Talyaaniga ee dib u habaynta ku socota xoogaga dowlada federaalka ah iyo tayeentooda.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, oo kulanka warbixiyay ayaa sidoo kale shaaciyay in ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada wasaaradood.

Xasan Cali Maxamed [Amar Dambe] oo intaasi ku daray in qodobadii ay kawada hadleen ay isla meel-dhigeen ayaa farxad ka muujiyay imaatinka dalka ee wafdigaan.

Talyaaniga ayaa kamid ah wadamada ka caawiya Soomaaliya dib u dhiska dowladnimada iyo ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Waa markii ugu horeysay sanado badan kadib wafdiga heer sare ah oo ka socda Talyaaniga uu yimaado magaala madaxda dalka ee Muqdisho.

Bishii November 2018-kii ayay ahayd markii Madaxwayne Farmaajo oo u safray Talyaaniga isaga oo kula soo heshiiyay madaxda dalkaasi iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, maalgashiga iyo horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM