Maxay ku heshiiyeeen Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea?

Image

Asmara - Iyada oo la tixgelinayo in dadyowga Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya ay wadaagaan deegaan, taariikh, dhaqan, diin iyo danno muhiim ah;

Iyada oo la qaddarinayo madaxbannaanida dowladeed, dhuleed iyo siyaasadeed ee wadanka kasta;

Iyaga oo xoojinaya xiriirkooda taariikhiga ah si ay u gaaraan yoolkooda sare;

Dowladaha Itoobiya, Soomaaliya iyo Ereteriya waxa ay gaareen heshiiska soo socda oo ka tarjumaya himilooyinka shucuubtooda:-

1-Saddexda waddan waxay yagleelayaan iskaashi sare oo fududeenaya gaarista yoolka shucuubtooda.

2-Saddexda waddan waxay abuurayaan xiriir dhaw oo ku aaddan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, dhaqanka iyo amniga.

3-Saddexda waddan waxay si wadajir ah uga hawlgelayaan sare u qaadidda ammaanka iyo nabadgelyada gobolka.

4-Saddexda dowladood iyagoo ka duulaya heshiiskan waxay dhisayaan Guddi Sare oo isku dhaf ah, oo u xilsaaran fulinta qodobbada baaqan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo dil ka badbaadey

Hirshabeelle, oo ka mid ah bartamaha Soomaaliya, ayaa noqday goob muhiim ah oo hawlgallo militari laga fuliyo si looga hortago Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 08:07AM

India oo Beenisay Wararka Ku Saabsan Wadahadalka iyo Aqoonsiga Somaliland

Cadeyntan ayaa ku soo beegmaysa xilli dood caalami ah oo xasaasi ah laga wado xaaladda Somaliland.

  • Soomaliya

    03-01-2026

  • 07:30AM