Bayaanka shirka murashaxiinta ee Muqdisho oo aad loo dhowrayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirkii ugu horeeyay oo murashaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ka yeeshaan doorashooyinka sanadka 2020-21 ayaa galay maalintii saddexaad iyaddoo diirada la saarayo badbaadinta dimuqraadiyadda dalka.

Shirka oo yimid iyaddoo uu jiro walaac ku aadan in la musuqmaasuqo doorashadda kaasoo ka dhashay markii guddiyada lasoo xulay lala xiriiriyey madaxda waqtiga ka dhacayo ayaa shalay iyo maanta waxaa ku biiray wejiyo cusub.

Ururada bulshadda Rayidka, Odayaasha Dhaqanka iyo Culimada ayaa shalay kasoo muuqdey, iyaddoo maanta ay ku biireen wakiilada Somaliland ee baarlamaanka federaalka kana mid yahay afhayeenka Aqalka Sarre.

Tirro murashaxiin ah ayaa Isniintii la shiray hogaamiyaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye kaasoo la sheegay in uu balanqaadey xal u helida is-qabqabsiga ka taagan guddiyadda doorasho ee lagu muransan-yahay.

Sidda ay tibaaxayaan warbixinadda, Qoor-qoor ayaa si lamid ah wuxuu albaabada u furay in uu dhex-dhexaadiyo Farmaajo iyo murashaxiinta.

Doorashooyinka baarlamaanka ayaa loo balansan-yahay December, halka tan madaxweynaha la qorsheynayo in ay dhacdo Febraayo, 2021-ka.

Garabyadda gedaal kaga biiray shirka ayaa la aaminsan yahay in ay xoojinayaa sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho xor, xalaal ah laguna qanacsanyahay isla markaana ay geedi u socodkeeda qayb ka yihiin dhamaan daneeyeyaasha.

Sidda laga soo xigtay qaban-qaabiyeyaasha, dedaalada lagu balaarinayo shirka ayaa ujeedkoodu yahay in doorashooyinka soo aadan looga badbaadiyo in la boobo ama uu u afduubto maamulka madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Culimadda Soomaaliyeed oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa ku baaqay in doorashooyinka ay noqdaan kuwa si nabad ah ku dhaca isla markaana dhinacyadda ayay ku booriyeen in ay isla ogol ku dhameeyaan is-maandhaafka.

Murashaxiinta oo dhankooda bayaan soo saarey ayaa codsaday in guddiyadda laga saaro xubnaha ka tirsan hay’adda sirdoonka iyo shaqaalaha dowlada.

Bayaanka la filayo in uu kasoo baxo shirka murashaxiinta ayaa dhabo cusub u jeexi kara dooda doorashooyinka Soomaaliya, waxaana la rajeynayaa in qoraalkaas ay kasoo ifbaxaan istaraatiijiyado looga hortagayo damaca Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Roobow oo ku yiri Al-Shabaab: Muqdisho noqon mayso sida Kabul iyo Dimishiq

Mukhtaar Roobow, oo horey u ahaa hogaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab, wuxuu isku soo dhiibay dowladda 2017.

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 05:55AM

Wasiirka Difaaca Soomaaliya: Awoodda Al-Shabaab waxaan ku daciifinay duqeymo

Sidoo kale, in ka badan 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay duqeyn hawada ah, taas oo ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 08:22PM