Maxay tahay Sababta ay Isku casishay Maryan Qaasim?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii Arrimaha Gargaar iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya, Maryan Qaasim ayaa fahfaahin ka bixisay sababta Iscasilaadeedii maanta.

Shirka jaraa'id oo ay ku qabatay Hoygeeda magaalada Muqdisho, ayay Maryan ku sheegtay sababta is-casilaadeeda is-barbaryaac ka jira Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre iyo duruufo dhanka shaqada ah.

"Waxaan uga tagey xilkii Wasiirnimo in ay igu adkaatay duruufta shaqo iyo isbarbar yaaca ka jirta Xukuumadda oo aan kala baxsanayn awoodaha, taasi oo aan ku jahwareeray," ayay yiri Maryan Qaasim.

Maryan Qaasim waxay sheegtay in Wasaarada ay joogtay ay ahayd mid shaqadeeda si fiican u taqaaney, balse loo madaxbanyn waayay howlaheeda shaqo, taasina ay ku kaliftay inay maanta is-casisho.

Waxay sheegtay inaysan mucaarad ku ahayn Xukuumadda, oo ay u rajaysay inay ku guuleysato waajibaadkeeda, iyadoo shaacisay inayka fariisatay waxii maanta ka dambeeyay arrimaha Siyaasadda.

Dr Maryan oo kamid ahayd Wasiiradda ugu firfircoon Xukuumadda ayaa wixii ka dambeeyay qaraxii Zoobe, waxay Wasaaradeeda noqotay mid fadhiid ah, oo howlaheedii laga maamulo Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha.

Howlgalaha Gurmadka dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe waxaa loo sameeyay Hay'ad gaar ah oo lagu magacaabo Gurmad Qaran, taasi oo maamulaysay arrimaha gargaarka loo fidinayay dhaawacyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM