Maxkamad 15-sano oo xarig ah ku riday nin loo haysto Shabaabnimo

Image

BELEDWEYNE, HirShabelle - Maxkamadda milatariga Soomaaliya ee magaaladda Beledwayne ayaa maanta oo Isniin ah 15-sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay nin loo haystay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Maxamed Cabdulle Aadan, gudoomiyaha maxkamadda, ayaa u sheegay warbaahinta in Maxamednuur Aadan lagu helay dambiga lagu soo oogay.

Maxamednuur, oo 27-sano jir ah, ayaa la sheegay in uu Shabaab u qaabilsanaa Sahminta iyo isugu gudminta Hubka.

"Cid kasta oo aan ku qanac-sanaa xukunka waxaa u furan racfaan," ayuu Gudoomiye Maxamed hadalkiisu ku daray.

Maxamednuur ayaa sidoo kale waxay maxkamadu kala wareegtay Bastoolad ay ciidamada amaanka kusoo qabteen.

Dhanka kale, maxkamada ayaa amartay in lasii daayo Liibaan Maxamed Cabdi, kaasi oo isna wajahaya dacwad la xiriirta in uu kamid ahaa Al-Shabaab.

Gudoomiye Maxamed ayaa shaaciyay in go’aankaan uu soo baxay markii Liibaan ay maxkamadu ku weysay eedaynta loosoo jeediyay.

"Taliyaha Booliska degmada Beledwayne waxaa la farayaa in uu si deg deg ah usii daayo Liibaan, hadii aysan jirin eed kale oo loo haysto," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM