Maxkamad 15-sano oo xarig ah ku riday nin loo haysto Shabaabnimo

Image

BELEDWEYNE, HirShabelle - Maxkamadda milatariga Soomaaliya ee magaaladda Beledwayne ayaa maanta oo Isniin ah 15-sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay nin loo haystay in uu ka tirsan yahay Al-Shabaab.

Maxamed Cabdulle Aadan, gudoomiyaha maxkamadda, ayaa u sheegay warbaahinta in Maxamednuur Aadan lagu helay dambiga lagu soo oogay.

Maxamednuur, oo 27-sano jir ah, ayaa la sheegay in uu Shabaab u qaabilsanaa Sahminta iyo isugu gudminta Hubka.

"Cid kasta oo aan ku qanac-sanaa xukunka waxaa u furan racfaan," ayuu Gudoomiye Maxamed hadalkiisu ku daray.

Maxamednuur ayaa sidoo kale waxay maxkamadu kala wareegtay Bastoolad ay ciidamada amaanka kusoo qabteen.

Dhanka kale, maxkamada ayaa amartay in lasii daayo Liibaan Maxamed Cabdi, kaasi oo isna wajahaya dacwad la xiriirta in uu kamid ahaa Al-Shabaab.

Gudoomiye Maxamed ayaa shaaciyay in go’aankaan uu soo baxay markii Liibaan ay maxkamadu ku weysay eedaynta loosoo jeediyay.

"Taliyaha Booliska degmada Beledwayne waxaa la farayaa in uu si deg deg ah usii daayo Liibaan, hadii aysan jirin eed kale oo loo haysto," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM