Maxkamad ku taala UK oo xukuntay shaqsi Soomaali ah

Image

LONDON, UK – Maxkamad ku taala magaalada Newckastle ee waddanka Ingiriiska ayaa Talaadadii shalay ahayd waxay 12-sano oo xarig ah ku riday Ibraahim Cabdullaahi, oo ah 29-jir kasoo jeeda Soomaaliya.

Xukunsanaha ayaa la sheegay in lagu helay dambi ah in uu qoorta iyo shafka Toorey kaga duray Lanush Alija oo ay ku dagaalameen wadada Hutton, magaaladda Sunderland bishii November, 2019-kii.

Alija ayaa la sheegay in ay soo gaartey jabniin ayna waxyeelo daran kasoo gaartey cuno-mareenka taasoo dhalisay in isbitaal la geeyo.

Garsooraha xukunka riday Mr Goss ayaa sheegay in Ibraahim uu watay Mindi dheer isla markaana waxyeelada ay u geystay dhibnaha ay intaan kasii badan lahayd hadii gabi ahaanteeda uu wada gelin lahaa.

Sidda ay warisay saxaafadda, Ibraahim oo "waaya-aragnimo aan fiicneyn kusoo qaatay Soomaaliya" ayaa loo badinaa in loo tarxiilo waddankiisa hooyo, balse waa go'aan ay kaliya maxkamad go'aanmin doonto.

Qareenka difaacaya Ibraahim ayaa sheegay in labadooda ay aqoon isku leeyihiin isla markaana fal-dambiyeedka uu ku kacay si aan ku talogal ahayn, wuxuuna soo jeediyey in gabi ahaanba meesha laga saaro xukunka.

Ibraahim Cabdullaahi oo haysta fursad ah in uu qeyb ahaan jeelka ku qaato xukunkaas isla markaana dib-u-eegis lagu sameeyo kiiskiisa ayaan la ogeyn hadii uu rafcaan ka qaatay go'aanka xeer-beegtada boqortooyada Britain.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM