Maxkamad ku taala UK oo xukuntay shaqsi Soomaali ah

Image

LONDON, UK – Maxkamad ku taala magaalada Newckastle ee waddanka Ingiriiska ayaa Talaadadii shalay ahayd waxay 12-sano oo xarig ah ku riday Ibraahim Cabdullaahi, oo ah 29-jir kasoo jeeda Soomaaliya.

Xukunsanaha ayaa la sheegay in lagu helay dambi ah in uu qoorta iyo shafka Toorey kaga duray Lanush Alija oo ay ku dagaalameen wadada Hutton, magaaladda Sunderland bishii November, 2019-kii.

Alija ayaa la sheegay in ay soo gaartey jabniin ayna waxyeelo daran kasoo gaartey cuno-mareenka taasoo dhalisay in isbitaal la geeyo.

Garsooraha xukunka riday Mr Goss ayaa sheegay in Ibraahim uu watay Mindi dheer isla markaana waxyeelada ay u geystay dhibnaha ay intaan kasii badan lahayd hadii gabi ahaanteeda uu wada gelin lahaa.

Sidda ay warisay saxaafadda, Ibraahim oo "waaya-aragnimo aan fiicneyn kusoo qaatay Soomaaliya" ayaa loo badinaa in loo tarxiilo waddankiisa hooyo, balse waa go'aan ay kaliya maxkamad go'aanmin doonto.

Qareenka difaacaya Ibraahim ayaa sheegay in labadooda ay aqoon isku leeyihiin isla markaana fal-dambiyeedka uu ku kacay si aan ku talogal ahayn, wuxuuna soo jeediyey in gabi ahaanba meesha laga saaro xukunka.

Ibraahim Cabdullaahi oo haysta fursad ah in uu qeyb ahaan jeelka ku qaato xukunkaas isla markaana dib-u-eegis lagu sameeyo kiiskiisa ayaan la ogeyn hadii uu rafcaan ka qaatay go'aanka xeer-beegtada boqortooyada Britain.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM