Maxkamad ku taala dalka Malawi oo xukuntay shaqsi Soomaali-British ah

Image

LILONGWE, Malawi – Maxkamad ku taala caasimada Malawi ee Lilongwe ayaa ruux Soomaali British ah waxay ku xukuntay in uu bixiyo hal milyan oo ah lacagta waddankaas laga adeegsado ee loo yaqaano Malawian kwacha.

Sapulian Chitonde, oo ah afhayeenka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kamuzu, ayaa sheegay in lacagta uu bixinayo Maxamed Xamid Abuubakar ay tahay mid uu kaga badbaadayo xukun xabsi oo horey loogu ridday.

Abuubabar ayaa bishaan laga qabtay madaarka isagoo watay maandooriye waxaana xeer-beegtadda ay go’aamisay in uu xabsi ku qaato sideed sano oo ay wehliso shaqo adag ama in uu bixiyo ganaax lacageed oo badan.

Marry Photola, oo ah dacwadoogaha dowladda Malawi, ayaa shaaca ka dhigay in 31-sano jirkaan la qabtay 7-dii bishaan November isla markaana maandooriyaha laga helay boorsadiisa uu culeyskeedu gaarayo 5.6 kilo-garaam.

Sidda uu wariyey bogga Nyasatimes.com, Abuubabar oo kalkii uu kasoo muuqdey qirtay dambiga lagu soo oogay ayaa kusii jeeday caasimadda Belgium-ka ee Brussels, wuxuuna la socday diyaaradda Ethiopian Airlines.

Thomson Midias, oo ah garsooraha xukunka ku ridday Abuubakar ayaa si lamid ah wuxuu amar ku bixiyey in la burburiyo maandooriyaha la qabtay.

Iyaddoo si guud caalamka ay mamnuuc uga tahay dhoofinta maandooriyaha, haddana dalka Malawi ayaan laga ogoleyn ka ganacsiga mukhaadaraadka, waxaana qofkii lagu helo uu ku muteysan karaa xukun xabsi iyo shaqo adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM