Xukun laga soo saarayo ganacsato lala xiriiriyey Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ayaa Axada maanta ah waxay bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah ganacsato lala xiriiriyey maleyshiyada gacansaarka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Ganacsatadan oo tiradooda ay gaareyso todoba ayaa laba kamid ah maqane yihiin kuna jiro horjoogahooda kaasoo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cusmaan Maxamed lehna afgarasho uu kamid yahay Tuutaale.

Eedeysaneyaasha kale ayaa kala ah; Cabdisalaan Cali Faarax, Khadar Cabdisalaam Maxamed, Maxamed Cabdi Sheekh Cumar, Daahir Cusmaan Maxamed iyo Cabdisalaam Cusmaan Maxamed.

Sida laga soo xigtay xeer-ilaalinta maxkamada ciidamadda, shaqsiyaadkan ayaa la sheegay in ay caasimada Soomaaliya ka dejiyaan maadooyinka laga sameeyo qaraxyadda.

Maadooyinka waxaa kamid ah MPK oo loo isticmaalo bac-raminta beeraha iyo mashiinka lagu jar-jaro biraha kaasoo loo isticmaali karo sameynta qaraxyadda, sida xeer-ilaalintu shaacisay.

Cabdisalaan ayaa si gaar ah waxaa loogu eedeeyay in uu qaabilsan yahay hubinta tayada maadooyinka, halka Khadar "uu yahay xiriiriyaha soo-saaraha maadada kaasoo fadhigiisu yahay waddanka Shiinaha".

Dacwad-oogeyaasha oo cuskadey caddeymo ay kamid yihiin codad iyo muuqaal la isku-dhaafsadey WhatsApp ayaa cod dheer waxay ku dalbadeen in dil toogasho lagu xukumo Cabdisalaan "maadaama dhagartiis dad u dhinteen".

Hase ahaatee, qareenada difaacaya eedeysaneyaasha oo ku gacanseyray dalabka xeer-ilaalinta ayaa ku adkeystay in maadooyinka ay yihiin kuwa dhowr wejiyo loo adeegsado "aysana ahayn dadkii ugu horeeyay ee dalka keenay".

Ugu dambeyntii, guddoomiyaha Maxkamada Ciidamadda, Xasan Cali Nuur [Shuute] oo soo xiray fadhiga xeerbeegtada ayaa wuxuu daaha ka rogay in maxkamadda ay go'aan kasoo saareyso wallow uusan carabaabin waqtiga saxda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markabkii Puntland Qabatay ee Muqdisho ku wajahnaa oo loo weeciyay Jabuuti

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu khilaaf xoogan u dhaxeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

  • Soomaliya

    18-08-2025

  • 11:41AM

XOG: Mucaaradka oo Ka Shaqeynaya Qorshe Cusub oo Ka Dhanka Ah Xasan Sheekh 

Waxaa la filayaa in tallaabadani ay qeyb ka noqoto dagaalka siyaasadeed ee ka dhanka ah Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    18-08-2025

  • 07:32AM