Maxkamad xukun dil toogasho ah ku riday Askari Boolis ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku riday Askari Boolis ah, oo ay sheegtay inuu qof shacab ah ku dilay magaalada Beledweyne bishii lasoo dhaafay.

Askariga oo lagu magacaabo Mahad Xuseen Shiidow, kaasi lagu soo oogay inuu si bareer ah u toogtey Yaasiin Cali Saneey, oo kamid ahaa dadka ku shaqeysta mooto bajaajta.

Xukunka waxa uu ka dhacay magaalada Beledweyne, waxaana ku dhawaaqay Col Xasan Cali Nuur Shuute, oo ah gudoomiyaha maxkamadda darajada kowaad ee Ciidamada qalabka sida, oo halkaasi maalmahan u joogay kiiska Askarigan.

Ehelada marxuumka la dilay, Saraakiil ciidan iyo qareenadii u doodayay labada dhinac ayaa ku sugnaa Maxkamadda xilli lagu dhawaaqayay xukunka dilka ah, iyadoo Shuute uu sheegay in Askariga uu heysto fursad racfaan ku qaadan karo.

Tan iyo markii Farmaajo la doortay Febuary 2017, Maxkamada ciidanka ayaa xukuno u badan dilal ku xukuntay Askar uu kamid yahay Axmed Cabdulaahi Caydiid oo 3-di May, 2017 ku dilay meel ku dhaw Villa Somalia wasiirkii Howlaha Guud, Cabaas Siraaji.

Ceydiid oo ilaalo u ahaa Hanti-dhowrihii shaqada laga eryay Nuur Faarax Jimcaale ayaanan wali lagu fulin xukunka, iyadoo ehelada wasiir Cabaas ay dhowr jeer ku baaqeen in cadaaladda la fuliyo, oo loo qisaaso Askariga.

Hay'adaha xuquuqul insaanka caalamiga ayaa ku eedeeyay Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya inay rido xukuno hareer-marsan xuquuqda aadanaha, iyadoo dadka la xukumo ay ku jiraan caruur iyo dad shacab ah, oo kiisaskooda si fiican loo darsin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM