Maxkamada Sare oo "ogolaatay" joojinta adeegsiga baraha bulshada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Tacliinta xukuumada federaalka ah ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta maanta oo la joojin waayey adeegsiga baraha bulshadda, maadaama uu horey ugu dhawaaqey.

Cabdullaahi Goodax Barre oo war-fidiyeenka la hadlay kadib markii maanta dib loo bilaabay Imtixaanka shahaadiga ee ku celiska ah ayaa xusay in maxkamada sare ee dalka u xukmisay go’aankaasi.

Mr Goodax Barre ayaa intaasi raaciyey in waqti xaadirkaan aysan jirin "dhibaatooyin kalifaya in la hakiyo isticmaalka baraha bulshadda balse hadii ay timaado si degdeg ah loo xakameyn doono".

"Maxkamada Sarre oo aan ka codsaney in ay noo go’aamiso way noo xukmiso, waxaan hadda haysanaa awood aan ku xiri karno baraha bulshada, hadii ay dhibaato timaado, wallow aysan hadda jirin," ayuu yiri.

In ka badan 30-kun oo arday kuwaasoo ku kala nool koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa u fadhiistay Imtixaanka ku celiska, kaasi oo horaantii sanadkaan loo baabi'iyey markii la dusiyey nuqulo kamida.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in go’aanka wasaarada waxbarashada federaalka ku joojineyso adeegsiga baraha bulshada ay kasoo diideen qaar kamida shirkadaha isgaarsiinta dalka, taasoo keentay maanta la joojin waayo.

Adeegyada bulshada sida Internet-ka oo aanan ku jirin gacanta dowladda ayaa waxaa si gaar ah u maamula shirkado ay leeyihiin ganacsato, kuwaasoo macaash badan ka dul-sameeya shacabka dhaqaalaha xumada la degtay.

Nidaamka waxbarashada Soomaaliya oo soo kabasho ku jira ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay Imtixaanaadka shahaadhiga qish baahsan, taasoo aanan jirin cid mas'uuliyada qaaday oo loo maxkamadeeyay.

Inkasta oo fashilkii ugu dambeeyay la sheegay in hal qof loo xiray kana mid ahaa howladeenada wasaarada, hadana illaa iyo haatan lama horkeenin cadaalada, taasoo ah waxay bulshaddu sugeyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM