Maxkamadda Sare ee Seychelles loo gudbiyey dacwad ka dhan ah Soomaali

Image

VICTORIA, Seychelles - Maxkamada Sarre ee Seychelles ayaa si rasmi ah loogu gudbiyey dacwad ka dhan ah shan ruux oo Soomaali ah kuwaasi oo ku eedeysan falal burcad-badeednimo, sidda uu sheegay Booliska.

Raggaan oo aanan magacooda lala wadaagin war-fidiyeenka ayaa waxaa bishii April ee sanadkan u gacan-geliyey dowladda wadankaasi ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka shufta badeeda Soomaalida.

Fadhiga koowaad ee maxkamaddeynta oo qabsoomay, Isniin, April 29-keeda, ayaa waxaa lagu dhageystay gar-maqalka dacwadda xili la faray in eedeysanayaasha xabsiga lagu sii hayo illaa iyo 7-da bisha June ee sanadkan.

Bileyska ayaa laga soo xigtay in dhageysiga labaad ee maxkamadeynta ay qabsoomeyso taariikhdaasi, wallow aysan kala caddeyn hadii xukun lagu ridi doono kulankaasi ama in caddeymaha lasoo bandhigayo.

Mid kamida shaqsiyaadka la tuhunsan yahay oo lasoo qabtay laguna soo wareejiyay mas’uuliyiinta Seychelle bishii November 2017-kii ayaa dib loogu soo celiyey Soomaaliya, December 2018-kii.

Talaabada ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad-badeeda Soomaalida ay dhalinyaradaan ugu wareejiyeen Seychelles ayaa qayb ka ah heshiis is-weedaarsiga dambiileyaasha.

Seychelles, jaziirad juquraafi ahaan ku dhow xeebta Soomaaliya oo door fir-fircoon ka qaadatay la dagaalanka burcad-badeeda ayaa saaxiibada caalamka ka taageerta soo qabqabshada shutfa badeeda.

Sanadkii hore 2015-kii, waddankan ayaa waxaa uu sameystay maxkamad casri ah, taasi oo dhageysata isla markaana xukuno ku ridda kiisaska la xiriira dambiyada burcad-badeednimada.

Maraakiibta ku sugan biyaha Soomaaliya ee sheegta in ay la dagaalamaan burcad-badeeda ayaa qudhooda wajahaya eedeymo ku aadan xaalufinta kaluunka iyo in ay beegsadaan kalluumeysatada Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM