Maxuu MD hore Farmaajo ka damacsan yahay Shirka Garoowe?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dawlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 15-ka bishan.

Shirkan oo la qorsheeyay inuu ka dhaco magaaladda Garoowe, ee Caasimadda dawladda Puntland, ayaa Madaxweynihii hore Farmaajo ku baaqey xili mudo-xileedkiisa dastuuriga uu dhamaadey Isniintii Feb 8.

Farmaajo ayaa diiday heshiis in la gaaro, iyadoo labo maalmood ay uga harsan tahay waqtigiisa ayuu kasoo tagey Shirkii Dhuusamareeb oo ahaa rajadii ugu dambeysay ee xalka khilaafka doorashooyinka.

Shirkii Dhuusamareeb Farmaajo wuxuu ku lumiyay fursad wayn oo ahayd in lagu gaaro heshiis siyaaaseed oo doorashadda la xiriira kaasoo inta fulintiisa lagu guda jiro uu heli lahaa mudo-kordhin farsamo [Technical Extension], oo Madaxweyne sharciyad haysta kusii ahaan lahaa.

Su’aasha waxay tahay fursadii uu Farmaajo isagoo Madaxweyne ah lumiyay, ma ku heli doonaan Shirka Garoowe isagoo aan Madaxweyne ahayn, oo waqtigiisa dastuurka uu siiyay ka dhamaaday maalin kahor.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey in Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ay ku baaqday Shirka iyadoo aan jirin wadatashiyo fiican oo Farmaajo la yeeshay Madaxda Dawlad Goboleedyada shanta ah.

Dhowr ujeedo ayuu Farmaajo ka damacsan yahay Shirka Garoowe, kuwaasoo ay kamid yihiin:

1 – Inuu isaga leexiyo eedeymo loogu soo jeediyo Shirka Gollaha Amniga QM ee arrimaha Soomaaliya oo berri go’aano laga soo saarayo, maadaama ku fashilmay inuu doorashadda waqtigeeda ku qabto.

2 – Inuu ku muujiyo in wali uu Madaxweyne dalka ka yahay, oo soo dhawayn lamid ah kuwii hore loogu sameeyo Puntland.

3 – Inuu Madaxda Maamullada ka dhameysto mudo-kordhin uu Mursal lawado, oo dhawaan la rabey in Gollaha Shacabka ku dhawaaqo, balse dib loo dhigay markii Xildhibaanada mucaaradka fashiliyeen.

Farmaajo hadda ma lahan awood uu shir isagu yeero, maadaama meesha ka baxday xasaanadii iyo awoodii uu lahaa, waxa kaliya dalka ka qabsoomi karo xiligan waa shirweyne Beesha Caalamka ku baaqday, oo kawada qeyb galayaan saamileyda Siyaasadda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM