Maydad kale oo laga helay Xeebaha Yemen

Image

Maydad kale oo hor leh ayaa lagusoo waramayaa inay kusoo caariyeen xeebaha dalka Yemen, kadib duqayntii dhacday todobaadkan horaantiisa oo ay ku dhinteen in kabadan 40 qof.

Saddex ruux oo kamid ahaa dadkii saarnaa doonta ayaa kusoo caariyay xeebta degmada Xudayda.

Wali waxaa jira dad kale oo maqan kuwaasoo la sheegay inay yihiin hooyo iyo labo Carruur ah oo ay dhashay.

76 ruux oo kamid ahaa dadkii kasoo bad-baaday duqayntaas ayaa waxaa gacanta ku haya Xuutiyiinta Yemen, waxayna u diideen inay adeegsadaan khadadka Is-gaarsiinta.

Dadkan ayaa dhammaantood waxay ku jiraan xabsi ku yaalla magaalada Xudayda.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda duqayntaas, inkastoo dowladda Somalia ka codsatay is-bahaysiga Sacuudigu inay kiiskaas baaraan.

Balse, Gaashaan-buurta duqaynta ka wada Yemen ayaa sheegtay inaysan ka dambayn falkaas.

Dadkan ayaa ka qaxayay dagaallada kasocda Yemen, waxayna kusii jeedeen dalka Suudaan, halka warar kale sheegayaan inay ahaayeen muhaajiriin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM