Meydka weriye Soomaali ah oo laga helay Xeebaha Masar

Image

Weriyaha dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdicasiis Al-caddaala kaasoo horay uga soo shaqeeyey xarumo warbaahin oo kala duwan, ayaa la sheegay in uu geeriyooday kaddib markii doonidii uu la socday ay qallibmatay, iyadoo sidoo kale la helay meydadka labo qof oo kale oo u dhashay dalka Suudaan oo iyaguna saarnaa doonida qallibmatay.

Mas'uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa xukuumadda dalka Masar ka codsatay in lagu soo wareejiyo meydka weriyaha geeriyooday si jaaliyada Soomaalida ah ee halkaasi ku nool ay  aas ugu sameeyaan.

Dhinaca kale laammaha ammaanka ee dalka Masar ayaa xabsiga ku taxaabay 120 qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay in ay damacsanaayeen in ay ka tahriibaan dalka Masar.

XIGASHO: VOA

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM