Michael Keating oo la kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image

BELEDWEYNE, Somalia - Ergayga QM u qaabilsan Somalia Michael Keating oo shalay gaarey magaalada Beledweyne, ayaa la kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo saraakiisha maamulka gobolkaasi Hiiraan.

Kulanka Michael Keating iyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo ahaa mid Albaabada u xirnaa, ayaa lagu soo waramayaa inay uga hadleen arrimo la xiriira dhamaystirka dhisamaha maamulka cusub ee Hir-Shabelle.

Keating ayaa ka codsaday Ugaas Xasan Ugaas Khilaaf inuu qeyb ka noqdo dedaallada socda, ee Madaxweynaha Hir-Shabelle Cali C/llaahi Cosoble ku doonayo inuu ku qanciyo Beelaha reer Hiiraan, si Golaha Wasiirada uu soo dhisayo u noqdaan mid loo dhanyahay.

Golaha Wasiirada Hir-Shabelle ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo Bisha February bartamaheeda. 

Madaxweynaha Hir-Shabelle Cali C/llaahi Cosoble, iyo Xildhibaano reer Hiiraan ah ayaa Arbacadii gaarey Beledweyne, kuwaasi oo shirar gooni-gooni ah la qaatey mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyo ururada Bulshada rayidka. 

Dhinaca kale, Michael Keating ayaa booqday Suuq lagu iibiyo Xoolaha, gaar ahaan ariga halkaasi oo uu kusoo arkay xoolo ay saamaysay abaarta ka jirta gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in shacabka iyo xoolaha u baahan yihiin gurmad bini'aadanimo oo deg deg ah.

Michael Keating ayaa ugu baaqay madaxda dowladda cusub ee ay yeelan doonto dhawaan Somalia iyo kuwa maamulka Hir-Shabelle inay shacabka abaarahu saameeyeen gaarsiiysan kaalmooyinka ay u baahan yihiin. 

Keating ayaa sheegay in qiimaha lagu iibiyo Xoolaha magaalada Beledweyne uu hoos u dhacay, sababtuna tahay abaarta jirta, taasi oo keentay in qiimo aad u jaban lagu iibiyo Neefka ariga ah. 

Waxaa aad u adag in Hay'ada caalamiga ah ay Gargaar bini'aadanimo gaarsiiyaan dadka ku nool goobaha ay abaartu ka jirto, maadaama ay Al shabaab ay ku sugan yihiin deegaanada isku xira degmooyinka gobolka Hiiraan, oo ay go'doomin ku hayaan tan iyo 2014-kii.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM