Dabley ergo doorasho ku dishay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubeysan oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al-Shabaab ayaa saakay ku dilay magaaladda Muqdisho mid kamid ah ergadii doorashadda Xildhibaannada Baarlamaanka 10-aad, ee waqtigiisu dhamaadey.

Maclin Cabdi Siyaad Geedo ayaa lagu dilay suuq ku yaalla degmada Deyniile, ee waqooyiga Muqdisho, kadib markii ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen labo dhalinyaro oo bistoolado watay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka oday dhaqameedka, balse wuxuu kusoo beegmayaa xili Al-Shabaab dhawaan uga digtay odayaasha Soomaaliyeed inay ka qeyb-qaataan doorashooyinka soo socda.

Soomaaliya waxaa wali ka jira nidaam doorasho oo qabiil ku dhisan, oo awoodda lagu qeybsado 4.5, iyadoo odayaasha dhaqanka ay budhig u yihiin dhismaha Baarlamaanka, maadaama ay Xildhibaanada doortaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu ku saabsan yahay Heshiiska cusub ee Jabuuti la gashay dowladda Soomaaliya?

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xiriir taariikhi ah oo ku saleysan hiddo, dhaqan iyo dano dhaqaale oo ay wadaagaan.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:51AM

Masar oo caqabado kala kulmaysa Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:18AM