Mid kamid ah Ergooyinkii doorashada oo lagu dilay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Nabadoon Xuseen Hilowle oo kamid ahaa Ergooyinka doorashadii Baarlamaanka hadda jira ee Soomaaliya ayaa waxaa saaka oo Sabti ah lagu toogtay xaafada Fagax ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Goobjooge ku sugan halka uu dilka ka dhacay ayaa u sheegay Garowe Online in Odayga oo xafaada si wayn looga garanayay ay qaybaha sare ee Jirka ka toogteen Rag ku hubeysan Bastooladda oo goobta isaga baxsaday falka kadib.

"Nabadoon Xuseen Hilowle oo kamid ah Odayaasha degmada Yaqshid ugu caan-sanaa ayaa waxaa madax saddex Xabad uga dhuftay Bastoolad-ley. Dilka kadibna way ka baxsadeen meesha," ayuu hadalkjiisa raaciyay Goobjoogaha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada amaanka ee dowlada Federaalka ay meesha yimaadaan falka kadib, iyaga oo bilaabay howlgalo ay ku baadigoobayaan Ragii ka dambeeyay, mana la oga hadii dad loosoo qab-qabtay.

Ma jirto cid dusha saaratay masuuliyadda falkaan, balse, waxaa horey wacad ugu martay inay beegsan doonto Odayaasha ka qayb-galay soo xulista Xilldhibaanadda Kooxda Al-Shabaab, xiriirka la leh Ururka Al-Qaacida.

Dilkaan ayaa qayb ka ah falalka lidka ku ah amniga ee ka dhacaya Muqdisho, kuwaasoo ay ku khal-khal gelinayaa Nabad-gelyadda caasimadda dalka, inkasta oo Hay'adaha amaanka ku howlan yihiin sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM