Mid kamid ah ergooyinkii doorashada oo Muqdisho lagu dilay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ragg ku hubeysan bastooladdo oo ka tirsan waaxda dilalka qorsheysan ee dagaalamayaasha Al-Shabaab ay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ku khaarijiyay mid kamid ah ergooyinka doorashadda.

Shaqsiga la naf-gooyay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Feeldheer ayaa sida ay Goobjoogayaal usheegeen warsidaha Garowe Online, waxaa lagu dhex-dilay xarun ganacsi oo uu lahaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in gacan ku dhiig-layaasha ay goobta isaga baxsadeen kadib falka, halkaasi oo ay durbadiiba soo gaareen laamaha amniga oo baaritaano ka sameeyay meesha ay wax ka dhaceen.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho in ciidanka ay sameeyeen howlgalo lagu baadigoobayo Ragga dilka geystay, inkasta oo aanan la ogayn hadii dad lagu soo qabqabtay.

Kooxda Al-Shabaab oo dusha saaratey mas'uuliyadda dilka ayaa tilmaamtay in Feeldheer uu kamid ahaa Ergooyinka Xilldhibaanada Baarlamaanka 10aad kusoo dooratay magaalada Cadaado.

Maalmihii udambeeyay Muqdisho kama aysan dhicin wax dil ah, balse tanni ayaa qayb ka ah dhacdooyinka khal-khal gelinaya nabad-gelyadda oo la sheegay inay xukuumadda hadda jirta ku fashilantay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM