Mid kamida Maskaxdii maleegtay weerarkii Hotel Saxafi oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'dda Nabad Sugida dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah in ay gacanta ku dhigtey qof la tuhmayo inuu kaalin ka qaatey weerarkii Hotel Saxafi oo dhacay 9-kii bishan November.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka NISA ayaa lagu yiri: "Howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay, ayaa ciidanka amnigu kusoo qabtay mid kamida maskaxdii maleegtay weerarkii lagu qaaday Hotel Saxafi 9-kii Nofembar."

NISA ma aysan sheegin goorta iyo halka uu dhacay howlgalka, iyo sidoo kale magaca shaqsiga ay sheegtay inay usoo qabatey qaraxydii 3da ahaa ee lagu dilay in ka badan 50 qof, oo uu kamid ahaa milkiilaha Hotel Saxafi, Cabdifitaax Cabdirashiid Ilqeyte.

Hay'adda Nabad Sugida dalka ayaanan lahayn mid hal bil ah, kadib markii uu is-casilay Xuseen Maxamed Xuseen [Calool-Kuus], waxaana hadda maamulkeeda hoostagaa Fahad Yaasiin, oo ah Agaasime ku xigeenka NISA.

Mas'uulkan oo horey usoo noqday Agaasimaha Villa Somalia, ayaa la rumeysan yahay inuu xiriir dhaw la leeyahay dowladda Qadar, isagoo sidoo kale hadda kamid ah shaqsiyaadka saameynta ku dhex leh maamulka Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM