Midowga Africa oo Axmed Madoobe kala hadlay doorashadda Jubbaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ergayga Midowga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Francisco Madeira ayaa kulan la qaatey Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

Francisco Madeira ayaa sidoo kale ah madaxa howlgalka AMISOM ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay doorashada Jubbaland ee bisha August ay u dhacdo si nabdoon, oo xor iyo hufnaan ah.

“Waxaan u xaqiijiyay Madaxweyne Axmed Madoobe in AMISOM ay diyaar u tahay inay ka taageero Jubbaland dhinaca amaanka doorashadda,” ayuu yiri Francisco Madeira.

Wakiilka AU ayaa dhanka kale beeniyay warar sheegaya in ciidamada AMISOM ay faarujiyeen Garoonka diyaaradaha Kismaayo, islamarkaana ay la wareegeen ciidamo ka socda dalka Itoobiya.

Dhankiisa, Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maamulkiisa uu wadashaqeyn dhaw kala dhaxeyso AMISOM, islamarkaana ciidamada Midowga Africa ay ka caawinayaan qabashada doorasho si nabad ah ku dhacdo.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu magacaabey Gudi ka shaqeeya in doorashada ay dhacdo waqtgeeda, oo ah bisha August ee sanadkan, xilli uu jiro walaac ku saabsan inuu dib u dhac ku yimaado.

Doorashada Jubbaland ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaaf siyaasadeed uu Axmed Madoobe kala dhaxeeyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu ku eedeeyay inay faragelin ku hayso maamulka uu hogaamiyo.

Warar ayaa sheegay in madaxda Villa Somalia ay wadaan qorshooyin ay meesha kaga saarayaan Axmed Madoobe, iyadoo loo marayo in Kismaayo loo diro Musharixiin jeebkooda dheer yahay oo kula tartama doorashada.

Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay faragelin ku sameysay doorashadii Koonfur Galbeed ee bishii December 2018, taasoo uu kusoo baxay Lafta Gareen, oo wasiir ka ahaa Xukuumadda Khayre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM