Midowga Afrika oo baaq u diray hogaamiyeyaasha Soomaaliya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Afrika ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan sare u qaadida nabadda iyo dib u heshiisiinta.

War-saxaafadeed kasoo baxay AU-da ayaa waxaa lagu xusay in tani ay qayb ka tahay dadaaladda kaalinta weyn ka cayaareysa horumarinta waddanka.

Bayaanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ururkaasi ayaa sidoo kale waxaa lagu cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab ka geysatay Kismaayo, todobaadkii hore.

Ugu yaraan 26 ruux oo ay ku jiraan shaqsiyaad caan ah ayaa ku geeriyootay dhacdadaasi oo ay ku dhaawacmeen 56 kale oo ay ku jiraan ajaaniib Shiinees ah.

Golaha ayaa si lamid ah wuxuu ku booriyey Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadda in ay door ka qaataan nabad kusoo dabaalida gobolka.

Ugu dambeyntii, wuxuu goluhu mar kale ku celiyey taageerada uu u hayo howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM kaasi oo muddo ka badan 10-sano.

WAR-SAXAAFADEED-KA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM