Midowga Afrika oo ciidamada kala baxaya dalka Somaliya

Image

ADDIS ABABA- Ururka Midowga Afrika ayaa sheegey inuu qorsheynayo in ciidamadiisa kala baxo dalka Somaliya sanadka 2020 kadib markii sanado badan isku dayey inuu xasilayo wadankaan ku yaala geeska Afrika.

Midowga Afrika xafiiska amniga ayaa soo saarey asbuucaan qoraal uu kaga hadlayo kadib markii caqabado badan oo is-dabayaala oo lasoo gudboonaadeen 22000 ciidamada ah kuwasoo kamid yihiin mushahar la'aan haysata xoogaga AMISOM. 

Qoraalkaan ayaa sheegey in qorshaha ka bixista uu yahay in mas'uuliyada amniga si taxadar leh ugu wareejin doonaan ciidamada Somaliya laga soo bilaabo sanadka 2018-2010.

Go'aankaan ayaa soo baxay kulan June29,2016 dhexmarey wadamada ciidamadooda ka joogaan Somaliya kuwasoo la yoraahdo AMISOM.

Midowga Yurub oo ah maalgaliyaha ugu weyn ee ciidamadaan ayaa sheegey iney go'aansadeen in da-dajiyaan bixinta mushaharka dib u dhacey ee ciidamada AMOSOM.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM