Midowga Afrika oo diidey dalab uga yimid taliska Farmaajo

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Midowga Afrika ayaa ku gacanseyray dalab kaga yimid dowladda Soomaaliya oo ahaa in ururka uu dib-u-dhigo ergayga gaarka ah ee AU-da u soo magacowdo dhexdhexaadinta khilaafka doorashada.

Villa Soomaaliya oo irdaha ka rixeysa dhexdhexaadin dibada ayaa soojeedisay in ergayga lasoo diro marka ay gabagaboobaan wadaxaajoodyadda uu garwadeenka ka yahay ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble.

Dhowr illo wareed oo si dhow ula socda xaaladda oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa daaha ka rogay in taliska Farmaajo uu weji gabax kala kulmay isku dayga uu rabay in uu ku carqaladeeyo ifafaalaha guusha wadahadalka.

"Balse, jawaabta Midowga Afrika ka bixiyey codsiga taliska Farmaajo waxay noqotay in ergayga ay kusoo dirin dalabka dowlada Soomaaliya balse ay isku raaceen dalalka Midowga Afrika," ayay GO u sheegeen diblumaasiyiin.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Muuse Faki, ayaa 7-dii May, John Dramani Mahama, madaxweynihii hore ee Chana, wuxuu u soo magacaabay ergayga gaarka ah ee AU kaasoo ka shaqeyn doona dhexdhexaadinta khilaafka doorashooyinka.

Wakiilka oo dhowaan caasimadda Muqdisho imaan doona ayaa, sida ku cad qoraalka kasoo baxay Faki, wuxuu saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya uu kala shaqeyn doonaa sidii coddeynta heer federaal loogu qaban lahaa "waqtiga ugu dhow ee suurtagalka ah".

Taliska muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey ee Farmaajo ayaa horey uga dalbadey Midowga Afrika in ay soo farageliyaan khilaafka doorashooyinka una kala dabqaadaan dhinacyada isku haya cod-bixinta oo qorshuhu ahaa in ay dhacdo sanadka 2020-21.

Farmaajo oo xafiiska jooga muddo saddex bilood ah isagoo muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey 8-dii Febraayo, 2021 ayaa dalabkan u gudbiyey si wakiilada Beesha Caalamka aysan si toos ah ula wareegin doorka hogaaminta doorashadda.

Ergayga cusub ayaa ka garab shaqeyn doona wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, James Swan iyo xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya oo haatan la wareegtay hogaaminta doorashooyinka heer federaal iyo ammaankooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM

Ciidamada Difaaca Puntland oo Gacanta ku Dhigay Warshaddii Qaraxyada ISIS

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay ka saaraan argagixisada deegaanadan muhiimka ah.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 11:38AM