Midowga Afrika oo ka hor-yimid ku darsiga taliska Farmaajo

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Guddiga nabada, ammaanka iyo siyaasadda Midowga Afrika ayaa wuxuu si xooggan u cambaareeyay go'aanka halka dhinac ee Golaha Shacabka muddo kororsiga ugu sameeyay taliska Farmaajo.

Go'aankaas ayuu ku sifeeyay mid xasilooni darro u horseedaya dalka hoostana ka xariiqay in xalka uu ku jiro dhaqan-gelinta heshiiska 17-kii September oo ku darsiga uu meesha ka saarayo.

Soomaaliya ayay hoosta ka xariiqeen in aysan waqtigan u diyaarsaneyn doorasho qof iyo cod ah. Dhawaqan wuxuu liddi ku ah ololaha maamulka Farmaajo ee ah in shacabka doortaan hogaankooda.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay shir uu guddiga maanta ka yeeshay xaalka Soomaaliya, talaabada muddo kororsiga waxay dib-u-dhac horleh u horseedaysaa doorashooyinka xilligooda la dhaafay.

"Intaa waxaa dheer oo laga muujinayaa walaac qoto dheer saameynta suurtagalka ah ee xaaladda siyaasadeed ee hadda jirta iyo cimilada ay ku yeelan karto wadajirka federaalka Soomaaliya, midnimada ciidamada Soomaaliya iyo hay'adaha amniga, geeddi-socodka abuurista xoogga iyo awoodda lagu sii wadi karo hoos u dhigista Al-Shabaab," ayaa la raaciyey bayaanka.

Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayay ku tartarsiiyeen in ay mar kale miiska wadaxaajoodyada isugu soo laabtaan isla markaana ay kawada hadlaan hirgelinta heshiiska 17-kii September ee 2020-ka.

"Waxaa loogu baaqayaa dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya in ay is xakameeyaan oo ay ka waantoobaan ficil kasta oo horseedi kara xiisad sii kororta oo sii wiiqda xasilloonida Soomaaliya, gobolka Geeska Afrika iyo Qaaradda," ayaa la raaciyey.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayay ugu baaqeen in uu si deg-deg ah u magacaabo uguna diro Soomaaliya ergay sarre oo gaar ah kaasoo kala shaqeeya hogaamiyeyaasha in ay isu-tanaasul sameeyaan.

"Wuxuu [guddigu] hoosta ka xarriiqayaa baahida loo qabo in dhinacyadda Soomaaliyeed ay si daacadnimo ku jirto ugu gorgortamaan raadinta heshiis u oggolaanaya qabashada doorashooyinka iyo in la helo jawi deggan oo loo dhan yahay oo siyaasadeed," ayay tibaaxeen.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirka guddiga amniga, siyaasadda iyo nabadda ee Midowga Afrika ayaa dharbaaxo ku ah maamulka Farmaajo oo ka filayey in uu taageero uga helo muddo kororsiga sharci daradda ah.

War-murtiyeedka oo English ah

No photo description available.

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM