Midowga Afrika oo soo dhaweeyay degaano lagala wareegay Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Afrika ee Nabad-ilaalinta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay degaano ay ciidamada xooga dalka oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ka qabsadeen Al-Shabaab.

Tuulooyinkaasi oo ay Isniintii la wareegeen xoogaga huwanta ah ayaa waxaa kamid ah Sabiid oo ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose isla markaana ah degaan istaraatiiji ah.

Tigabu Yilma Wondimhunegn, taliyaha ciidamada AMISOM ayaa tilmaamay in tani ay qayb ka tahay qorshaha kala guurka ee ciidanka dowlada federaalka ah kula wareegayaan mas'uuliyada amniga dalka.

Dhanka kale, Midowga Afrika oo ugu hambalyeeyay ciidamada is-kaashaday guusha ay gaaraan ayaa shaaciyay in ay ka hor istaageyso kooxda Al-Shabaab abaabulida weeraro horleh.

Francisco Madeira, wakiilka AU-da u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in Ciidanka ay sii wadaan howlgalka ayna xoreeyan degaano kale oo muhiim ah.

"Xorreynta goobaha istaraatiijiga ah waxay cadowga u diidaysaa in ay argagixiyaan bulshadda Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa kusii daray Francisco Madeira, sida laga soo xigtay war-saxaafaded.

Tuulada caanka ah ee Sabiid oo ay ku taalo buundo looga sii gudbi karo degmada Afgooye ayaa qiyaastii 40 KM dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegtay in ay degaankaan ku qabteen gaari xamuul ah kaasi oo ay Al-Shabaab ku rartay walxaha qarxa lana doonayay in lagu soo weeraro Muqdisho.

Taliska ciidanka ayaa shaaciyay in ay si lamid ah qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab, sheegasho aanan lagu soo qaadin war-saxaafadeedka kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM

Duulimaadyadii ugu horreeyay ee xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sucuudiga

Maamulka garoonka Maddiina ayaa sheegay in habraacyada gelitaanka xujeyda Soomaaliyeed loo fuliyay si hufan.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 11:20AM