Midowga Afrika oo soo dhaweeyay degaano lagala wareegay Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Howlgalka Midowga Afrika ee Nabad-ilaalinta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay degaano ay ciidamada xooga dalka oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ka qabsadeen Al-Shabaab.

Tuulooyinkaasi oo ay Isniintii la wareegeen xoogaga huwanta ah ayaa waxaa kamid ah Sabiid oo ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose isla markaana ah degaan istaraatiiji ah.

Tigabu Yilma Wondimhunegn, taliyaha ciidamada AMISOM ayaa tilmaamay in tani ay qayb ka tahay qorshaha kala guurka ee ciidanka dowlada federaalka ah kula wareegayaan mas'uuliyada amniga dalka.

Dhanka kale, Midowga Afrika oo ugu hambalyeeyay ciidamada is-kaashaday guusha ay gaaraan ayaa shaaciyay in ay ka hor istaageyso kooxda Al-Shabaab abaabulida weeraro horleh.

Francisco Madeira, wakiilka AU-da u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyay in Ciidanka ay sii wadaan howlgalka ayna xoreeyan degaano kale oo muhiim ah.

"Xorreynta goobaha istaraatiijiga ah waxay cadowga u diidaysaa in ay argagixiyaan bulshadda Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa kusii daray Francisco Madeira, sida laga soo xigtay war-saxaafaded.

Tuulada caanka ah ee Sabiid oo ay ku taalo buundo looga sii gudbi karo degmada Afgooye ayaa qiyaastii 40 KM dhinaca Koonfur Galbeed uga beegan magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Milatariga Soomaaliya ayaa sheegtay in ay degaankaan ku qabteen gaari xamuul ah kaasi oo ay Al-Shabaab ku rartay walxaha qarxa lana doonayay in lagu soo weeraro Muqdisho.

Taliska ciidanka ayaa shaaciyay in ay si lamid ah qabteen rag ka tirsan Al-Shabaab, sheegasho aanan lagu soo qaadin war-saxaafadeedka kasoo baxay howlgalka Midowga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM