Midowga Murashaxiinta oo si kulul cambaareeyay hadalkii Cumar Filish

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Murashaxiinta doorashada 2020-21 oo cambaareeyay hadalkii gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ku qeexay "colaad hurin" iyo "fariin kaga timid madaxweyne Farmaajo".

Murashaxiintan oo soo saarey qoraal wadajir ah ayaa waxaa gudoomiye u ah madaxweynihii 7aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

"Goluhu wuxuu si dhab ah u qaadannayaa in hanjabaadda [Cumar Maxamuud Maxamed] ay tahay fariin ka timid madaxweyne Farmaajo toosna ugu socota xubnaha Midowga Murashaxiinta," ayay soo qoreen.

Sidda ku xusan bayaanka, hogaanka dalka ayaa isticmaalaya tabihii Al-Shabaab ee xalaaleysiga dhiiga shacabka iyaddoo la deegsanayo Diinta".

"Golaha waxaa u caddaatay in hogaanka dowladda uu adeegsanayo tabihii Al-Shabaab ee xalaaleysiga dhiiga Shacabka Soomaaliyeed iyaddoo la adeegsanayo Diinta, si ola kac ahna uu hogaanka dowladda u hurinayo colaad, una abuurayo naceyb iyo xasarad bulshadda dhexdeeda ah gaar ahaan shacabka gobolka Banaadir," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedkan.
Madaxweyne Farmaajo ayay tibaaxeen in uu qaadayo mas'uuliyadda natiijada ka dhalata "falka colaad hurinta ee xukuumadiisa ku howlan tahay".

"Goluhu wuxuu ugu baaqayaa hogaanka Dowladda Federaalka in ay ka waantoobaan colaad hurinta iyo ficilada abuuraya naceybka, taa bedelkeedana ka shaqeeyaan sidii dalka uga qabsoomi lahayd doorasho wadar-ogol ah," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaankan uu arkay Garowe Online.

Isagoo si dadban murashaxinta ugu sifeeyay "munaaqafiin" una daliishay Aayad Qur'aan ah, Cumar Filish ayaa ku goodiyey in maamulkiisa uu dili doono hadii ay isku dayaan in ay xasilooni daro ka abuuraan caasimadda.

Hanjabadaas ayaa timid markii murashaxiinta ay war-murtiyeedkooda shirka Muqdisho ku codsadeen kala dirida guddiyada magacaaban, is-casilaada taliyaha sirdoonka iyo in ay doorasho qaban doonan hadii dalabyadooda la fulin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo calaamadeysay saldhigyo ay dejin doonto Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Saldhigyadan waxaa ku yaallaan magaalooyinka Balcad, Jowhar, Burane iyo Mahaday, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 12:05PM

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM