Midowga Musharaxiinta oo dacwad kusoo oogaya Farmaajo
MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Musharaxiinta ayaa ku dacweyn doona madaxwaynaha waqtiga uu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo "isku day dil," sidda uu sheegay afhayeenka Golaha, Daahir Maxamuud Geelle.
Geelle oo kamid ah xubno kamid ah musharaxiinta oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Farmaajo uu xabadihii ciidanku rideen saacadihii lasoo dhaafay "qoondeeyay inay ku dhex-jiraan madax hore".
Sidda laga soo xigtay wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya, arbushaada lagu sameeyay banaanaxii Jimcaha kaliya ma ahayn is-hortaag "balse waxay ahayd isku-day dil oo dhameysitan". Masoo bandhigin caddeymo xoojinaya hadalkiisa.
"Askariga waxaa lagu tababaraa 'xabadda waa in ay qoriga ku jirtaa ama ay qof ku jirtaa'; xabadihii lagu ridday Hotel Maa'ida wuxuu Farmaajo qoondeeyay in ay ku dhexjiraan Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan; xabadihii shalay la riday waxaa loogu talagalay in ay ku dhex-jiraan dadka uu kamid yahay ra'iisul wasaarihii hore," ayuu yiri Geelle oo soo noqdey safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga.
Diblumaasiga ayaa hadalkiisa wuxuu intaas kusii daray: "Dambi caadi ah waaye oo dowladaha la isku dacweyn karo; qof kale lagu dacweyn maayo amarkaas qofkii bixiyey ayaa lagu daweynayaa; Farmaajaa ku dacweynaynaa".
Wakiilada Beesha Caalamka ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey "in aysan isku mashquulin dowladda Farmaajo ee lumisay taageeradda shacabkeeda".
Ciidamadda ayuu ku waaniyey in aysan qaadan amarada Farmaajo "maadaama uusan sharciyad u haysan kuna saleysneyn dan guud iyo dastuurka dalka".
Ugu dambeyntii, musharax madaxwayne Geelle ayaa carabka ku adkeeyay in banaanbaxyadda ay sii socon doonan, isaga oo dadwaynaha ku booriyey in ay ku garab-istaagaan musharaxiinta sidii dalka looga badbaadin lahaa kelitaliye.
GAROWE ONLINE