Midowga Musharaxiinta oo fariin u diray Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka waa in ay xog dhab ah ka keento askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu diray Eritrea ee la sheegay in ay ka qeybgaleen dagaalkii Tigray, sidda ay ugu baaqeen Midowga Musharaxiinta.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta, Ridwaan Xersi Maxamed oo war-fidiyeenka kula hadlay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayaa "dhiilo cusub" ku qeexay arrintaan, wuxuuna xusay sharaxaada dowlada bixisay "aan lagu qanci karin".

Madaxweyne Farmaajo ayuu cod dheer ugu baaqay in uu isaga la hadlo dadweynaha isla markaana ka qanciyo mahadhada lasoo warinayo.

"Looma baahna in daruufaha gaarka ah ee haysta dhalinyarada Soomaaliyeed in looga faa'iideysto si qaldan," ayuu hadalkiisa ku daray Ridwaan Xersi Maxamed. "Sharaf bay tahay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay tababar soo qaataan oo ay dalkooda kusoo laabtaan laakiin waa in ay ku saleysan tahay shuruucda dalka".

Heshiisyadda tababarka loogu qaadayo dhalinyarada ayuu ku nuux-nuux-saday in aysan sharciyad-heli karin hadii aan la marsiin hay'addaha dastuuriga ah.

Ridwaan oo ra'iisul wasaare ku xigeen kasoo noqdey Soomaaliya ayaa tibaaxay in wax aan la aqbali karin ay tahay in waalidiinta aysan war u ahayn wiilashooda.

"Madaxweynaha waa in uu la hadlaan dadweynaha, isaga ayaa ah taliyaha ciidamadda iyo madaxweynaha jamhuuriyadda. Waxaan aaminsnahay in ay tahay in isaga uu shacabka Soomaaliyeed qanciyo," ayuu carabka ku adkeeyay.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta aad loo hadal-hayey in ciidankii dowladda tababarka ugu dirtay Eritrea laga dagaal-geliyey gobolka Tigray ayna la barbar-dagaalameen dhigooda Itoobiyaanka ah.

Dowladda Soomaaliya oo beenisay wararkaas ayaa siyaasiyiinyta ugu baaqdey in ay siyaasadeyn dhismaha ciidamadda. Balse, afhayeenka musharaxiinta wuxuu xusay in arrintaan "ay ka weyn tahay siyaasad," isaga oo codsaday "xog dhab ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM