Musharixiinta oo ka hadlay raafka Somaliland ee Laascaanood

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa qoraal wadajir ah kasoo saarey barakicinta iyo xad-gudubka dadka kasoo jeeda Koonfurta loogu geysanayo magaaladda Laascaanood, ee Caasimadda gobolka Sool.

Waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin raafka maamulka Somaliland kawado magaaladda, ee lagu beegsanayo dadka shacab ah ee magaaladda maciin biday inay ku noolaadaan markii ay dagaallo iyo abaaro ay kasoo barakiciyeen degaanadoodii koonfurta dalka.

Sidoo kale Musharixiinta ayaa tilmaamay inay cambaareynayaan falkan lidiga ku ah Islaamnimada, Soomaalinimada, xaquuqul insaanka, walaaltinimada iyo wadajirka umadda Sooamaaliyeed.

Waxay ugu baaqeen waxgaradka, aqoonyahanka iyo qeybaha bulshadda Laascaanood inay u istaagaan joojinta dhibaatooyinka iyo raafka ay Somaliland u geysanayaso dadka walaalahooda ah ee ku dhex nool.

Somaliland ayaa la kulantay cambaareyn iyo cadaadis gudaha iyo dibadda kadib markii in ka badan 3,000 oo qof oo reer Koonfur ah ay kasoo saartey si qasab ag magaaladda Laascaanood, iyagoo ku daboolaysa tallaabadan fashil dhanka amniga ah oo soo wajahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM