Musharixiinta oo ka hadlay raafka Somaliland ee Laascaanood

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta Soomaaliya ayaa qoraal wadajir ah kasoo saarey barakicinta iyo xad-gudubka dadka kasoo jeeda Koonfurta loogu geysanayo magaaladda Laascaanood, ee Caasimadda gobolka Sool.

Waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin raafka maamulka Somaliland kawado magaaladda, ee lagu beegsanayo dadka shacab ah ee magaaladda maciin biday inay ku noolaadaan markii ay dagaallo iyo abaaro ay kasoo barakiciyeen degaanadoodii koonfurta dalka.

Sidoo kale Musharixiinta ayaa tilmaamay inay cambaareynayaan falkan lidiga ku ah Islaamnimada, Soomaalinimada, xaquuqul insaanka, walaaltinimada iyo wadajirka umadda Sooamaaliyeed.

Waxay ugu baaqeen waxgaradka, aqoonyahanka iyo qeybaha bulshadda Laascaanood inay u istaagaan joojinta dhibaatooyinka iyo raafka ay Somaliland u geysanayaso dadka walaalahooda ah ee ku dhex nool.

Somaliland ayaa la kulantay cambaareyn iyo cadaadis gudaha iyo dibadda kadib markii in ka badan 3,000 oo qof oo reer Koonfur ah ay kasoo saartey si qasab ag magaaladda Laascaanood, iyagoo ku daboolaysa tallaabadan fashil dhanka amniga ah oo soo wajahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM