Midowga Yurub oo dhaqaalo u balanqaaday Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Midowga Yurub ayaa shaaciyey in 56 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah uu ugu yaboohayo dalal ay kamid tahay Soomaaliya.

Deeqdaasi oo ay meel-mariyeen Golaha Fulinta ururkaasi ayaa looga talogalay wax ka qabashada xaaladaha bini'aadanimo ee degdeg ah.

Soomaaliya ayaa yaboohaasi dhaqaale waxay ku yeelaneysaa aduun dhan 28 milyan oo dollar-ka Mareykanka ah, halka Itoobiya ay qaadaneyso qoondo dhan 22-milyan.

Wadamada kale ee Kenya iyo Uganda oo martigeli qaxootiga ayaa waxay kala qaadan doonan 3.3 milyan iyo 2.2 milyan oo dollar.

Sidda lagu sheegay bayaan uu Goluhu soo saarey, lacagtaasi ayaa lagu caawin doonan dadka ay saameysay goobaha ay abaaraha ku dhuftaan wadamadaasi.

Lacagtan ayaa waxay qayb ka tahay 410 milyan oo dollar, taasi oo uu Midowga Yurub bartamihii sanadkii hore 2018-ka u balanqaaday Geeska Afrika.

Sikastaba, dalalka gobolka oo ay kamid tahay Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta xaalad dhanka bini'aadanimadda ah, taasi oo ka dhalatay roobab la’aanta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM