Midowga Yurub oo hanjabaad kasoo saarey muddo kordhinta
MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Yurub ayaa ku goodiyey talaabooyin ka dhan ah madaxda Soomaalida haddii ay ku fashilmaan inay ku laabtaan wadahadalada xalka loogu goobayo is-mari-waaga doorashooyinka.
Muddo kordhinta labada sano ayay xuseen in ay kala qeybineyso Soomaaliya, horseedeysana dib-u-dhacyo horleh isla markaana dhabaha u xaareyso xasilooni darro guud ahaan gobolka Geeska qaarada Afrika.
Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Talaadada maanta ah ayay EU-da ku caddeysayin ay si weyn u taageereyso in wadaxaajoodyadda ay noqdaan kuwa ku saleysan heshiiska 17-kii September.
"Shalay, Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu u codeeyay in si-dhab ah loo kordhiyo waqtiga Madaxweynaha iyo dowladda Federaalka labo sano kadib caqabada ku yimid geeddi-socodka doorashooyinka oo ay ahayd in la soo afjaro ugu dambeyn 8-da Febraayo 2021," ayaal lagu bilaabay qoraalka EU-da.
Bayaanka ayaa la raaciyey: "Tallaabadani waxay wiiqaysaa dadaal dheer, oo ay taageereen EU iyo beesha caalamka, si dib loogu dhiso Soomaaliya iyada oo loo marayo is afgarad".
"Beesha Caalamka, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, waxay si is-daba joog ah oo cad u muujiyeen in aanan sinnaba u aqbali karin in waqtiga loo kordhiyo dowladda, ama mid uun ama habraac kasta oo la mid ah oo la xiriira doorashooyinka, iyadoo aan la helin heshiis dhinacyada ku fulinayaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember," ayay ku dareen.
War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Midowga Yurub wuxuu rumeysan yahay in meel marinta iyo saxiixa qaraarkan [muddo kordhinta] uu kala qeybin doono Soomaaliya, soo rogi doono dib-u-dhacyo dheeri ah isla markaana ay khatar weyn ku yahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda. Xaqiiqdii uma adeegayso danaha dadka Soomaaliyeed".
Bayaanka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Waxaan ku baaqeynaa in si deg deg ah loogu laabto wadahadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka iyadoo aan dib loo dhigin laguna saleynayo heshiiskii Sebtember 17. Haddii taa la waayo, Midowga Yurub wuxuu tixgelin doonaa tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo".
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay isku dabariday muddo kordhinta. Farmaajo wuxuu deg-deg kusoo dhaweeyay go'aanka halka dhinac ee Aqalka Hoose. Balse, wuxuu ku fashilmay inuu raadiyo is-afgarad doorasho.
GAROWE ONLINE