Midowga Yurub oo lacag u ballan qaaday Booliiska Somalia

Image
Image
Image
Image

MUQDISH, Somalia- Midowgay Yurub ayaa ballan-qaaday inay taageero dhaqaale siinayaan ciidanka Booliiska Somalia, Afarta Sano ee soo socota, kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdishu.

Shirka lacagtaas lagu shaacinayay, waxaa joogay;Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Farkeeti, Taliyaha Ciidanka Booliska Maxamed Sheekh Xasan  iyo Sifiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador  Mrs. Veronique.

Dhinacyadaas ayaa isku afgartay in meel la saaro mushaharaadka Booliiska si loo adkeeyo Ammaanka islamarkaana la isaga kaashado xasilinta dalka.

Sifiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya Ambassador  Mrs. Veronique, ayaa carrabka ku dhuftay inay diyaar u yihiin sidii dalka loo xasilin lahaa, taasoo ay xustay in wadiiqada loo mari karo tahay in la helo ciidamo dhinac walba ka dhammaystiran.

Taliyaha ciidanka Booliiska iyo wasiirka maaliyadda Somalia, ayaa qorshahan soo dhaweeyay, waxayna dhinacooda ballan-qaadeen inay la shaqayn doonaan Yurubka Midoobay.

Shaacinta taageeradan ayaa timid Xilli Madaxweynaha cusub ee Somalia, uu ballanqaaday in ciidamo heli doonaan xaqooda isagoo maalmihii ugu horeeyay doorashadiisa lacago la siiyay Booliiska dalka oo ku shaqeeya duruufo adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM