Milatariga oo guulo ka sheegtay guluf ka dhan ah Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka dhigeen in howlgal saf ballaaran ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen degaano kala duwan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Sida ay warisay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, howlgaladaas ayaa qeyb ka ah kuwa lagu xaqijinayo ammaanka goobaha loo asteeyay in ay ka qabsoomaan doorashooyinka soo aadan.

Radio Muqdiho, idaacada ku hadasha afka dowladda, ayaa warisay in howlgalkii u dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan ay ciidamaddu ku khaarijiyeen tobban xubnood oo Al-Shabaab ahaa.

"Ciidamadda Xoogga Soomaaliyeed ayaa kordhiyey howlgalada ay ka fulinayaan gobolka Hiiraan," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixinta Raadiyaha oo aan lagu soo bandhigin caddeyn xoojinaya warka.

Taliska milatariga wali ma bixin tafaasiisha howlgalka. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan falkan oo kasoo baxay dhanka dagaalameyaasha gacansaarka la leh ururka argagxisada ah ee Al-Qaacida.

Hiiraan oo kamid ah gobolada hoostaga maamul goboleedka HirShabelle ee Soomaalia ayaa muddoyinkii ugu dambeeyay waxaa lasoo warinayey dhaqdhaaqyo ay halkaas ka wadaan kooxda Al-Shbaaab.

Al-Shabaab ayaa aalaba waxay sare u qaadaan falalka liddiga ku ah nabad-gelyadda mar walba oo ay soo dhawaato doorashooyinka iyaga oo isku daya in ay carqaladeeyaan geedi-socodka nabadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM