Milatariga Soomaaliya oo "dilay" xubno Al-Shabaab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa shaaca ka dhigay in ay dileen sideed dagaalame oo ka tirsanaa maleyshiyadda Al-Shabaab kadib howlgal ay sameeyeen Axadda maanta ah.

Dagaalameyaasha la khaarijiyey ayaa isku dayay in ay weerar gaadmo ah ku ekeeyaan kolanyo ka tirsan milatariga, sidda uu warbaahinta u sheegay Isaaq Maxamed Ibraahim, taliye ka tirsan ciidanka.

Isaaq, oo ah taliyaha guutada 260aad ee ciidamadda xoogga, ayaa wuxuusan soo hadal-qaadin khasaaraha soo gaarey dhankooda.

"Waxaan fashilinay isku day ay ku doonayeen in ay ku naafeeyaan ciidanka xoogga waxaana dilnay sideed kamid ah," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey warbaahinta ku hadasha afka ciidamadda dowladda federaalka.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuuxsaday in ay sii xoojin donan howlgaladda ka dhanka ah maleshiyadda ee ay ka fulinayaan koonfurta iyo bartamaha dalkan dhaca Geeska qaarada Afrika.

Marka laga soo tago sheegashadda ciidamadda, ma jirto illo madax-banaan oo xaqiiijinaya iyo war kasoo baxay Al-Shabaab.

Xilli waddanka uu isku-diyaarinayo doorashooyin aan wali lagu heshiin geedi u socodkooda iyo hanaanka lagu galayo, Al-Shabaab ayaa marka dalku galo mar-xalada kala guurka kordhineysa weeraradeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM