Milatariga Soomaaliya oo "dilay' xubno Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Soomaaliya ayaa Khamiista maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in ay howlgal ku dileen 20 kamid ah maleyshiyadda hubeysan ee Al-Shabaab.

Sidda uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka Soomaaliya, howlgalka ayaa Arbacadii shalay ahayd wuxuu ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidamadda Soomaaliya, ayaa tibaaxay in howlgalka uu ka dhacay wadada isku xirta magaalooyinka Janaale iyo Qoryooley ayna khasaaro ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

"Dagaalamayaasha waxay isku dayeen in ay iska caabiyaan ciidanka balse waanu u awood sheeganay, waxaana dilnayb20 ayaga kamid ah," ayuu tibaaxay.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ciidanka ay xoojin doonan howlgaladda ka dhanka ah xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan qeybaha kale ee gobolka.

Sarkaalka ayaan caddeynin haddii uu jiro khasaaro dhankooda kasoo gaarey howlgalkaas.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashadda milatariga Soomaaliya oo kasoo baxay dhanka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Howlgalkan ayaa kusoo hagaagaya xilli Al-Shabaab ay maalmihii lasoo dhaafay kordhisay weerarada ay ka fulineyso magaala madaxda Muqdisho iyo fariisimaha ciidamadda ee goboladda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garowe Online oo ka digtay xannibaadaha Facebook, xilli Meta lagu haysto qaladaadka AI-da

Sida ay qortay The New York Times, Meta waxay sii ballaarinaysaa adeegsiga AI-da si ay u go’aamiso akoonnada la xannibayo.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 04:59AM

Soomaaliya iyo Mareykanka oo ka wada hadlay xasilloonida Geeska Afrika iyo iskaashi cusub

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah ay wadaan dadaallo lagu xoojinayo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    21-07-2026

  • 07:22AM