Milatariga Soomaaliya oo looga digay faragelinta doorashooyinka maamuladda

Image

DAYNUUNAY - Taliyaha Guutada 60aad ee ciidanka xoogga Soomaaliya, Jenaraal Ibraahim Yarow oo la hadlayay cutubyo ka tirsan milatariga oo dib u-qabsaday tuulada Daynuunay ee duleedka Baydhabo ayaa uga digay ciidamada inay ku milmaan siyaasadda.

Doorashada madaxwaynaha Koonfur Galbeed oo ay naga xigto kaliya wax ka yar 18 cisho ayaa waxaa ku loolamaya musharaxiin dhowr ah oo ay ku jiraan, Taliyihii hore ee NISA, Wasiirka Tamarta xukuumada hadda jirta, Mukhtaar Roobow, Shariif Xasan iyo xubno kale.

“Ma ahan shaqadeena yaa ku guuleysanaya doorashadda, ee waa inaan la shaqeyno qof kastoo la doorto. Siyaasada iyo doorasho ma ahan inaan ku milano, waa inaan dalka ka xorreyno cadowga,” ayuu yiri Taliye Yarow.

Villa Soomaaliya ayaa la fahansan yahay inay dooneyso in doorashada uu kusoo baxo siyaasi feker ahaan ay iska dhow yihiin, xili haatan ay geysay Baydhabo gaadiid dagaal iyo kuwa aan xabaddu karin, taasoo khal-khal gelisay amniga magaalada.

Taliye Yarow oo sii hadlaya ayaa faray ciidamada inay u dhaqaaqaan dhinaca tuulooyinka kale ee ku dhow Daynuunay, si gacanta ku haynta loogala wareego Al-Shabaab, maadaama ay weeraro kasoo abaabusho.

Amniga, la dagaalanka Al-Shabaab, musuq-maasuq, siyaasad loo dhan yahay iyo arrimo kale oo muhiim ah waa mawduucyada ugu waawayn ee uu musharax walba kusoo galay ololihiisa doorashada Koonfur Galbeed, oo dhicaysa 17-ka November. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM