Mileeshiyaadka Ahlu Sunna oo dagaal kula wareegey Dhuusomareeb

Image

June 7, 2015 (GO)-  Mileeshiyaad ka tirsan Ururka Ahlu Sunna ayaa maanta la wareegey degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Dagaal muddo kooban socdey ayaa dhex maray mileeshiyaadka Ahlu Sunna oo iyagu weerarka soo qaadey iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka oo horay magaaladaas  ugu sugnaa.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa todobaadyo kadib markii Ahlu Sunna isaga baxdey shirka maamulka gobollada dhexe islamarkaana sheegtay inay xiriirka u jartey Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhowr mar oo hore ayaa sidan oo kale gudaha demada Dhuusomareeb dagaal ugu dhex maray Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda, balse dhowaan ayaa heshiis laga gaarey kadib markii Wasiirka Gaashaan-dhiggu Guriceel kula kulmay madaxda Ahlu Sunna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM