Mileeshiyaadka Ahlu Sunna oo dagaal kula wareegey Dhuusomareeb

Image

June 7, 2015 (GO)-  Mileeshiyaad ka tirsan Ururka Ahlu Sunna ayaa maanta la wareegey degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Dagaal muddo kooban socdey ayaa dhex maray mileeshiyaadka Ahlu Sunna oo iyagu weerarka soo qaadey iyo ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka oo horay magaaladaas  ugu sugnaa.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa todobaadyo kadib markii Ahlu Sunna isaga baxdey shirka maamulka gobollada dhexe islamarkaana sheegtay inay xiriirka u jartey Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhowr mar oo hore ayaa sidan oo kale gudaha demada Dhuusomareeb dagaal ugu dhex maray Ahlu Sunna iyo ciidamada dowladda, balse dhowaan ayaa heshiis laga gaarey kadib markii Wasiirka Gaashaan-dhiggu Guriceel kula kulmay madaxda Ahlu Sunna.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM