Military gadoodsan oo xiray Waddooyinka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo katirsan militariga dowladda Somalia, oo ka gadoodsan Mushaar la'aan mudo bilooyin ah ayaa saakay xiray Wadooyinka magaalada Muqdishu.

Boqolaal Askari oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa hakiyay Isku-socodka Gaadiidka iyo dadweynaha qeybo kamid ah magaalada Muqdishu, iyagoo sidoo kale xiray Ganacsiga.

Wadooyinka ay ciidamada xireen waxaa kamid ah Lambar Afar (KM-4), Makka Al Mukarama, Wadada Isku-xirta Zoobe iyo Degmada Wadajir.

Waxay sidoo kale jareen dhaq-dhaqaaqa waddooyin kale oo muhiim ah.

Ciidamada oo lagu qiyaasay boqolaal Askari ayaa sheegay inaysan qaadan wax mushaar ah mudo ku dhaw Hal sano, sidaasi darteedna ay u sameeyeen Gadoodka si ay u helaan xaqooda.

Saacado kadib, ayaa Saraakiil katirsan ciidamada waxay kuu guuleysteen inay Askarta dib ugu celiyeen saldhigyadooda, iyagoo u balan-qaadey in si dhaqso ah lagu siinayo mushaarkooda.

Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan markii la doortay waxa uu balan-qaadey inuu ahmiyada kowaad siin doono bixinta xuquuqda ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Tallaabadan ayaa lagusoo beegay xilli Ra’isal wasaaraha Somalia oo dalbaday in la bixiyo xaqa shaqaalaha dowladda bishii Jannaayo.

Muddooyinkan gadoodyo ciidan oo la xariira xuquuq ka maqan ayaa ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ku yaalla, Koonfurta, Bartamaha iyo Bariga dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM