Military gadoodsan oo xiray Waddooyinka Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo katirsan militariga dowladda Somalia, oo ka gadoodsan Mushaar la'aan mudo bilooyin ah ayaa saakay xiray Wadooyinka magaalada Muqdishu.

Boqolaal Askari oo wata gaadiidkooda dagaalka ayaa hakiyay Isku-socodka Gaadiidka iyo dadweynaha qeybo kamid ah magaalada Muqdishu, iyagoo sidoo kale xiray Ganacsiga.

Wadooyinka ay ciidamada xireen waxaa kamid ah Lambar Afar (KM-4), Makka Al Mukarama, Wadada Isku-xirta Zoobe iyo Degmada Wadajir.

Waxay sidoo kale jareen dhaq-dhaqaaqa waddooyin kale oo muhiim ah.

Ciidamada oo lagu qiyaasay boqolaal Askari ayaa sheegay inaysan qaadan wax mushaar ah mudo ku dhaw Hal sano, sidaasi darteedna ay u sameeyeen Gadoodka si ay u helaan xaqooda.

Saacado kadib, ayaa Saraakiil katirsan ciidamada waxay kuu guuleysteen inay Askarta dib ugu celiyeen saldhigyadooda, iyagoo u balan-qaadey in si dhaqso ah lagu siinayo mushaarkooda.

Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan markii la doortay waxa uu balan-qaadey inuu ahmiyada kowaad siin doono bixinta xuquuqda ciidamada qalabka sida ee Somalia.

Tallaabadan ayaa lagusoo beegay xilli Ra’isal wasaaraha Somalia oo dalbaday in la bixiyo xaqa shaqaalaha dowladda bishii Jannaayo.

Muddooyinkan gadoodyo ciidan oo la xariira xuquuq ka maqan ayaa ka dhacay magaalooyin kala duwan oo ku yaalla, Koonfurta, Bartamaha iyo Bariga dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykanka iyo Jubbaland oo Fuliyeen Duqeymo Cirka ah

Mas’uuliyiinta gobolka ayaa sheegay in ciidamada federaalka iyo kuwa Jubbaland ay hadda ku laabteen saldhigyada kadib duqeymaha.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 06:53AM

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in la jabsaday xogta E-Visa, Go'aan cusubna soo saartay

Afhayeen u hadlay HSJ ayaa sheegay in dowladda federaalku ay durbaba magacaawday guddi gaar ah oo isugu jira hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    16-11-2025

  • 03:28PM