Mooshin laga gudbiyay heshiisyaddii Farmaajo uu saxiixay [Akhri]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudoonka u gudbiyay mooshin ka dhan ah heshiisyadii iyo is-afgaradyadii uu Madaxwayne Farmaajo dhawaan lasoo saxiixday Itoobiya iyo Eritrea.

10 Xildhibaan ayaa saxiixay soo-jeedin Mooshinka, kaasoo ay ku dalbanayaan in Gollaha Shacabka la hor-keeno dhamaan heshiisyadii lala galay dalalka shisheeye mudaadii uu xilka hayay Farmaajo, Febuary 2017 illaa December 2018.

Waxay ka digeen qabashada shir Muqdisho ku yeeshaan bishan madaxda Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea, kaasoo la qabanayo iyadoo aan shacabka loo soo bandhigin heshiisyadii Farmaajo soo saxiixay, sidoo kalenaa aan laga qeyb-gelinaynin Jabuuti.

"Cawaaqib-xumo siyaasadeed ayaa ka dhalan karta marti-gelinta shirka saddex geesoodka ah, ee lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho, iyadoo aan umadda loo soo bandhigin waxa lagu heshiiyay, islamarkaana walaalaha Jabuuti aan qeyb ka ahayn," ayaa lagu yiri warqadda Mooshinka.

Mooshinkan ayaa baasin ku shubeysa khilaaf hadda ka dhex-taagan Xildhibaanada Gollaha Shacabka, kaasoo ku saabsan kala-diriddii uu Muudey ku sameeyay Guddiga Maaliyadda BF iyo warbixintii Musuq-maasuqa Wasiirka Maaliyadda.

Lama oga sida Villa Somalia u wajihi doonto Mooshinkan maanta Xildhibaanada u gudbiyeen Guddoonka, kaasoo noqonaya midkii ugu horeeyay oo laga keenay heshiis ama go'aan uu gaarey Farmaajo tan iyo doorashadiisa Feb. 2017.

WARQADDA MOOSHINKA:

 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay’adda Sirdoonka oo sheegtay in sagaal dagaalyahan oo Al-Shabaab ah la dilay

Howlgalkii labaad ayaa ka dhacay agagaarka Tugaareey, halkaas oo maleeshiyaadku ku dhuumaaleysanayeen kayn.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 03:07PM

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM