Mucaaradka dowladda Soomaaliya oo Shir uga furmay Kenya [Sawirro]

Image
Image
Image

NAIROBI - Wararka aan ka helayno magaaladda Nairobi ayaa sheegay in halkaasi uu maanta ka furmay shir ay yeelanayaan Xisbiyada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka dalka.

Kulankan oo noqonaya midkii ugu ballaarnaa oo ay isagu yimaadaan mucaaradka dowladda ayaa waxaa kasoo muuqday siyaasiyiin caan ah iyo musharaxiin kulan tartamy Madaxawene Farmaajo doorashadii Febuary 8, 2017.

Qodobo dhowr ah ayaa la sheegay in looga hadlayo kulanka, kuwaasoo ay kamid yihiin xaaladda amni iyo mida siyaasadeed ee dalka, iyadoo la filayo in gaba-gabada laga soo saaro war-murtiyeed wadajir ah.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Nairobi ku sugan yihiin Madaxda dowlad goboleedyada dalka intooda badan, kuwaasoo la sheegay inay kulamo la qaadanayaan wakiiladda beesha caalamka iyo deeq bixiyaasha.

Madaxda Maamullada ayaa qaadacay markii 3aad baaqa Madaxweyne Farmaajo oo casuumaad si ay uga soo qeyb galaan Shirka Gollaha Amniga Qaranka, kaasoo lagu wadey inuu Muqdisho ka furmo 19-kii bishan, balse markalee baaqday.

Gollahan oo ka kooban dowladda Federaalka iyo Maamullada shanta ah ee ka dhisan dalka ayaanan kulan isagu imaan mudo ka badan hal sano, iyadoo taasi loo eeneynayo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay Shir Culimo ku yeesheen Muqdisho ayaa si kulul u eedeeyay mucaaradka dowladdiisa, isagoo sheegay inay ku adacweeyeen beesha caalamka.

HALKAN KA DAAWO:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM