Mucaaradka iyo dowladda Somaliland oo heshiiyey

Image

May 28, 2015 (GO)- Dowladda iyo mucaaradka Somaliland ayaa ka heshiiyey khilaafkii ka dhashay go'aanka Golaha Guurtida Somaliland muddada ugu kordhiyeen dowladda iyo weliba dib u dhigista doorashada, arrintaasoo axsaabta mucaaradku si weyn uga soo horjeesteen.


Heshiiska oo afar qodob ka kooban, wuxuu dhigayaa:

1- In la ixtiraamo go'aanka Golaha Guurtidu ku kordhiyey muddo xileedka Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Golaha Wakiillada, maadaama Golaha Guurtidu yahay mid dastuuri ah.

2- In doorashooyinka Madaxtooyda iyo Golaha Wakiilladu ay qabsoomaan bisha December ee sanadka 2016-ka.

3- Saddexda xisbi ee Wadani, Ucid iyo Kulmiye waxay soo jeediyeen in doorashadu qabsoomto bartmaha bisha December, 2016, iyadoo Guddiga Doorashaduna ay soo jeedin doonaan maalinta ay dhacayso doorashadu.

4- Waa in Guddiga Doorashadu cayimaa maalinta doorashadu dhaceyso, islamarkaana uu digreeto ku ansixiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Qodobadan waxaa si wadajir ah u saxiixey: Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, Feysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Zaylici.

Heshiiska xalay lagu gaarey madaxtooyada Hargeysa ayaa soo afjaraya khilaaf muddo todobaadyo ah soo jiitamayey oo ka dhashay go'aankii Golaha Guurtida Somaliland muddada ugu kordhiyeen dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba dib u dhigista doorashada, arrintaasoo axsaabta mucaaradku si weyn uga soo horjeesteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM