Mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland oo kulmey

Image

May 20, 2015 (GO)- Wada-hadal ayaa maanta magaalada Hargeysa uga furmey hoggaamiyeyaasha axsaabta mucaaradka ee Wadani iyo Ucid iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Kulankan oo looga arrinsanayo khilaafka ka dhashay muddo kororsiga Golaha Guurtidu u sameeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo weliba dib u dhaca ku yimid doorashada, wuxuu socon doonaa muddo dhowr maalmood ah.

 

Maanta waxaa laga doodayey ajandaha shirka, waxaana laysku raacay in  laga wada hadlo sidii meel dhexe laysugu imaan lahaa islmarkaana loo gaari lahaa xal deg deg ah. Kulanka ayaa dib u furmi doona maalinta Sabtida ee soo socota.

Axsaabta mucaaradka ayaa kasoo horjeestey muddo kordhin ku siman muddo sanad iyo toban bilood ah oo Golaha Guurtidu u sameeyey Madaxweynaha, Ku-xigeenkiisa iyo Golaha Wakiillda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM